Ma Dhabbaa In Xisbiyadda Mucaaridku Heshiis Ka Gaadheen Maayarka Hargeisa?

0
Tuesday June 08, 2021 - 12:18:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabbaa In Xisbiyadda Mucaaridku Heshiis Ka Gaadheen Maayarka Hargeisa?

    Ma Dhabbaa In Xisbiyadda Mucaaridku Heshiis Ka Gaadheen Maayarka Hargeisa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabbaa In Xisbiyadda Mucaaridku Heshiis Ka Gaadheen Maayarka Hargeisa?

Hargeisa(HWN):-Hoggaamiyeyaasha Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa isugu yimid kulan, kaasoo ay kaga hadlayeen qaddiyadda cidda hoggaaminaysa Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeisa.
UCID iyo WADDANI oo Si Adag Uga Hadlay Mooshinkii Kordhinta Xubnaha Gudida Dorashooyinka Ee Golaha Wakiiladu Laaley – HargeisaPress


Kullankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid albaabadu ay u xidhnayeen,waxaana la sheegay inay ka qayb-galeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Masuuliyiin kale.

Dhanka kale, Xoggaha aannu ka helnay kullankaas ayaa sheegay in masuuliyiinta Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID oo ay hoggaaminayeen Faysal Iyo Cirro ay ku heshiyeen inay labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID ay kale qaataan Maayarka iyo ku-xigeenkiisa Magaalada Hargeysa,maaddaama oo ay haystaan aqlabiyadda kuraasta Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo ay sheegeen xogguhu in Gudoomiyayaasha UCID iyo WADDANI iyo masuuliyiinta kale ee labadaa Xisbi ay ku heshiyeen in Maayarka uu qaato Xisbiga WADDANI ,isla markaana loo doorto Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge, halka Maayar ku-xigeenka isla qaateen in loo doorto Xildhibaan Khadar Axmed Cumar oo ka mid ah Xildhibaanadda ka soo baxay Xisbiga UCID.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labadda Xisbiyadda WADDANI iyo UCID,marka laga yimaado xoggahaa aannu ka helnay illo-wareedyadda rasmiga ah ee sheegay in Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay kala qaateen Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Magaalada Hargeysa

Loading...
Loading...