Mee Xildhibaankaygii Aan La Xisaabtami Lahaa?

0
Tuesday June 08, 2021 - 11:11:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Mee Xildhibaankaygii Aan La Xisaabtami Lahaa?

    "Qofkastaa ha ogaado waxa uu la xisaabtami karaa cidduu doortay."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qofkastaa ha ogaado waxa uu la xisaabtami karaa cidduu doortay."

Waa wax lagu qoslo waana arin dadka caqliga u saxiibka ahi ay layaabi doonaan,nin doortay xildhibaan aanay isku gobol ahayn danta ugu jirtaana ay tahay waa adeerkay ayaa halkaasi ka sharaxan,hadana doonaaya in uu la xisaabtamo hadhaw xiijiyana xildhibaan aanu dooran.



TUSAALE Waxaan ka dhoofay Hargaysa oo aan degenahay kuna dhashay noloshayduna kasoo jeedo,waxaa doolaalo iyo doorasho u tegay Berbera,Burco ama Ceerigaabo,waxaan usoo codeeyey ninkii Qoyskayga ahaa Degaan iyo Baarlamaanka halkaas ayaan kaga imi codkii iyo magacaygii ,waxaan kusoo noqday Hargaysa oo aan degenahay xaq ma u leeyahay in Meyerka iyo golayaasha ay dadka Hargaysa doorteen in aan anigu kula xisaab tamo hadhaw waxqabad taasi waa maya mana dhici karto.


Hadiiba Ceerigaabo codkaygii yaalo yaad la xisaabtamaysaa, saxiib waxa kuugu dhaw in aad guurto ,waa caqli aad u liita oo aan la fahmi karin,joog magaladaada ,ha ka tegin,inta badan waxa loo kala dab qataa Hargaysa,Berbera,Burco iyo Ceerigaabo.


YAA XISAABTAMI KARA

Qofkastaa ha ogaado waxa uu la xisaabtami karaa cidduu doortay.

Xildhibaankastaa ha xasuusnaado waxa la xisaabtami kara uun cidii dooratay.


Waxaa kaloo mushkilad ah xildhibaan deegaan kasoo baxay dadkii doortayna ay dib Babuurka e raceen oo raadinaaya dadkii doortay.


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...