Siyaasi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, Sanaacigii Magaciisa ku xardhay Gobolka Sanaag.
Siyaasadu waa shayga keliya ee aan labada walaalaha ahi is amaahin, sidaa si lamida ayaan guusha qof leeyahay cid kale oo saldhigeeda lahayni ugu faani karin, waxaan maanta maqaalkaygan kooban, qalinka ugu qaatey inaan qalinkeyga ku xardho, maragna uga dhigo jowharada ka dhex ifeysa guushii doorashada ee Gobolka Sanaag.
Siyaasiga aan rabo inaan ku baraa maaha mid ku cusubmasraxa siyaasada somaliland. Garo oo waa da'yarta hantida u ah qarankan isla markaana ka soo jeeda qoys hibo rabaani ah u leh aqoonta maadiga iyo diinigaba, waa astaan hido raaceysa asalkii yagleelka nabada iyo qaabeynta wadada ay hada hayso jamhuuriyada somaliland.
Waxaan baraha bulshada ku arkayey maalmahan in guulahagobolada bari uu farsamadeeda lahaa Mohamud Hashi,
Xaasha ee libinta iyo guusha cida leh lagama qaado, lamana amaahiyo cid aan laheyn. Aan kubaro jawharada iftiinkeedu shiiqiyey libaax kasta oo wax ismoodey. Baro, calaamadso, ishana ku hay Cabdirisaaq Siciid Ayaanlesiyaasiga magaciisa Ku-xardhay guushiiGobolka Sanaag ee xildhibaanada 7 da ah.
Cabdirisaaq Siciid
Ayaanle, oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada JSL oo mudo dheer ahaa, ayaa
intii uu joogay xilkan Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada JSL, ayaa waxa uu ka
hirgaliyey waxqabad muuqda oo mugle, isagoo isla markaasina muujiyey nidaam
hufan iyo hab-maamul togan oo taabagalay.
Xoghaye Cabdirisaaq Siciid Ayaanle waxa uu ku suntan yahay hogaamin Tusmaysan oo tisqaad ah, taasi oo aad ka dheehan kartid nidaamka shaqo iyo hanaankiisa hogaamineed ee uu kusoo hagaayey guud ahaan waajibaadkiisa shaqo iyo shaqaalr ee Golaha Wakiilada JSL, mudadii uu xilka Xoghayaha guud ka hayey.
Qalinkii:- M.A Hajji Hurre
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!