Sharciyada Saaxiibada Baraha Bulshada Qaar ka mid ah.

0
Tuesday June 08, 2021 - 10:41:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharciyada Saaxiibada Baraha Bulshada Qaar ka mid ah.

    Hadii aad ka hesho qoraal qurux badan oo u soo qoray qof shacbiyad yar. Isku day in aad u mahadceliso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadii aad ka hesho qoraal qurux badan oo u soo qoray qof shacbiyad yar. Isku day in aad u mahadceliso


1. Qof ha wicin labo mar ka badan hadii laga qaban waaye waxaa macquul ah in uu heysto howl muhiim ah ama adiga aadan muhiim eheyn.
2. Su’aalaha maalaayacniga ah ha weydiin. Sida Ma guursatay, caruur ma leedahay. Hadii uusan asiga/ayada ku sheegin
3. Qofkasto oo friends-kaada ka mid ah fikirkiisa ku xushmeey. Sababtoo ah waxa kula khaldan ayaa la saxnaan karo.
4. Hadii aad aragto dad comments/reply ku sheekeysanaayo ha isku maqiiqin. Sababtoo ah waxaa macquul ah in aad sheekada ka qasto
5. Hadii aad qof ka hesho uu kugu adkeeyo/adkeyso. Jooji si aad u noqoto qof aan la dhibsan.
6. Wax yaabaha lagugu qarsado ha shaacin. Sida screenshot, sawir iwm
7. Hadii qof soo qoro waan xanuunsanahay ii soo duceeya. Ha weydiin halka laga haayo. Ku dheh. Alle ha ku caafiyo iyo waad caafimaadee in shaa allah
8. Marki aad iskuugu timaadaan meelaha lagu kulmo taleefanka jeeb gasho. Si aad toos ugu sheekeystaan qofka aad kulanteen.
9. Qof sawir soo galiyay ama qoraal soo qoray. Ha siin talo uusan ku weydiin. Hadii uusan post-ga eheyn talo wadaag
10. Hadii adigoo ookiyaalaha qoraxda xiran uu qof aad friends tihiin ku aqoonsado oo u ku salaamo. Iska bixi si uu u dareemo in aad xushmeyneysid
11. Marki aad la hadleyso qof aad iska barateen baraha bulshada haka hadlin guulahaada iyo farxadaada. Sababtoo ah kama war heysid guuldaradiisa ama muragadiisa
12. Hadii aad ka hesho qoraal qurux badan oo u soo qoray qof shacbiyad yar. Isku day in aad u mahadceliso si ay dhiiri galin ugu noqoto oo u soo qoro wax badan
13. Mar kasto xushmeey qofka aad saaxiibka ku tihiin baraha bulshada. Sababtoo ah waxa isku kiin haayo waa xushmadaas kaliya
14. Ugu dantaada ka raaco wax kasto oo ku dhibaayo sababtoo ah dadka dhan sida adiga aad rabto uma wada fikiraan
15. Ha ilaawin in aad ii camirto marki aan wax soo qoro sababtoo ah mushaar ima siisid bilaash aan kugu mada daaliyaa lol
Wixii aan ilaawo waa ku dari kartaa.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...