"Xisbiyada Mucaaridka Ahi Ha Ogaadaan Abdikarim Ahmed Mooge In Aanu Kelidii Ahayn" Abwaan Weedhsame

0
Tuesday June 08, 2021 - 10:39:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xisbiyada Mucaaridka Ahi Ha Ogaadaan Abdikarim Ahmed Mooge In Aanu Kelidii Ahayn" Abwaan Weedhsame

    "Fadlan tixgeliya rabitaanka AQLABIYADA AAMUSANI markay hadasho. "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Fadlan tixgeliya rabitaanka AQLABIYADA AAMUSANI markay hadasho. "

Hargaysa (HWN) Abwaan Xasan Daahir Weedhsame oo ka hadlay doorashadii dalka ka dhacday ayaa sheegay in aanu keli ahayn Xildhibaan Abdikariin Axmed Mooge, oo noqday xildhibaankii ugu codka badnaa xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargaysa.



Abwaan weedhsame ayaa usoo jeediyay xisbiyada Mucaaradka inay Cabdikariin Axmed Mooge ku ixtiraamaan cododka badan ee uu helay, kuwaasi oo uu ku sheegay inaanu ka helin reer keliya balse uu ka helay dhalinta isbadal doonka ah, qoraal uu abwaan weedhsame kaga hadlay arinkaasi oo uu baahiyay ayaa uqornaa sidan:-


Xisbiyada mucaaridka ahi ha ogaadaan Abdikarim Ahmed Mooge in aanu kelidii ahayn.

Codadka 26,000 ah ee uu helay, waa 30% ka mid ah codadkii AQLABIYADA AAMUSAN, ee bal taasna xisaabta ku dara.


Kumanaan dhallinyaro ah oo da’doodu u dhexayso 18 - 25 jir, oo cid kasta leh ayaa ku midoobay hiilkiisa oo u codeeyey.


Ragga iyo haweenka la socdaa reer qudha maaha, raas meel qudha Hargeysa ka degganna maaha, balse waa ummad dhan oo is-bedel doon ah.


Haddii aad maanta isaga han-dishaan, waxa aad u quus-goynaysaan rejadoodiina aad dhacan saaraysaan, boqolaal barbaar ah oo rabay inay dariiqaa nadiifta ah siyaasada u soo maraan.


Fadlan tixgeliya rabitaanka AQLABIYADA AAMUSANI markay hadasho.


Waad mahadsan tihiin.

Loading...
Loading...