Taajirkii Ruurka Ahaa /W/Q/ Nour Hashi

0
Tuesday June 08, 2021 - 10:26:38 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taajirkii Ruurka Ahaa /W/Q/ Nour Hashi

    Markuu waagu baryey ayuu arkay ninkii Faqriga ahaa oo dhintay warqadna ay agtaalo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markuu waagu baryey ayuu arkay ninkii Faqriga ahaa oo dhintay warqadna ay agtaalo.


Nin taajir ahaa oo xubin ka ahaa dabaqadaha sare ee dalka ruushka ayaa daaqadda Gurigiisa ka arkay nin guri la'aani ay u raacday dhar la' aan,
Barafka korkiisa saaran intuu ka yaabay iyo halka uu fadhiyo ayuu u Soo degtay oo cod jilicsan ku yiri maxaan kuu qabtaa?


Ninkii faqiirka ahaa ayaa ninkii tujaarka ahaa ka codsaday koorka dhaxanta,
Tujaarkii oo aad uga xun rafaadka iyo silica uu ku nool yahay ninka faqiirka ah ayaa u ballan qaaday Inuu keeni Doono koor weyn iyo weliba casho culus oo deg deg ah...
Nasiib darro dhawr taleefan oo u Soo dhacay darteed ninkii taajirka ahaa wuu halmaamay ninkii faqiirka ahaa,.

Markuu waagu baryey ayuu arkay ninkii Faqriga ahaa oo dhintay warqadna ay agtaalo... Waxaana ku qornaa hadaladaan..

"'Inta aadan ii sameyn ballan qaadka Waxaan ahaa nin adkeysi u leh gaajada iyo dhaxanta
Waxaanse tabar dhigay oo dhaxanta iyo gaajada jirkeeyga u nugleeyey balan qaadkii beenta ahaa ee aad ii sameysay.. waana sababta Soo dedejisay geerideeyda...

Fadlan ha ii ooyin geerideeyda kadib waayoo waxaa jirtay Mar aad wax ii qaban kartay..
Maantase waxba iima gashid oo Waxaan ku biiray duni kale.."'

Ujeedka ballan qaadka beenta ah wuxuu sababi karaa saameyn fog oo qofka bini' aadanka ah ku yeelata noloshiisa mid galaafata ee ka feejignoow..oo sabab ha u noqon geerida ama waalida qof islaameed...Hana dhaawicin Qalbiga Aadmiga ee daciifka ah.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...