Maxaa ka soo baxay Shirkii Isbaaheysiga Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI?

0
Monday June 07, 2021 - 23:24:55 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka soo baxay Shirkii Isbaaheysiga Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI?

    Maxaa ka soo baxay Shirkii Isbaaheysiga Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa ka soo baxay Shirkii Isbaaheysiga Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI?



Hargeisa(HWN):-Labada xisbi mucaarad ee Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa maalintii labaad shir ku yeeshay magaalada Hargeysa.


Labada xisbi oo shalay ku dhawaaqay isbahaysi siyaasadeed, ayaa shirkoodu ku saabsan yahay sidii ay isaga kaashan lahaayeen doorashada Shirgudoonka iyo Maayarada magaallooyinka.
Shirkii Isbaaheysiga Xisbiyada Mucaaradka

Labada xisbi mucaarad, ayaa marka la isku daro tirada Xildhibaannada ee ay doorashada ka heleen waxay noqoneysaa 51 Xildhibaan, taasoo ka dhigan in kuraasta aqalka Wakiillada oo ka kooban 82 xildhibaan ay mucaaradku heleen Boqolkiiba 62 kuraasta.

Waana aqlabiyad xooggan oo ay ku doonayaan inay si wada jir ah ugu helaan shir guddoonka Wakiillada.

Mas’uuliyiinta shirkan ka qayb galay, ayaa sheegay, in shirka uu socon doono ilaa dhowr maalmood, iyada oo la iska kaashan doono sidii labadan xisbi ay u heli lahaayeen shir guddoonka aqalka Wakiilada iyo Maayarada magaalooyinka. Shirkan labada xisbi mucaarad, ayaa waxaa la filayaa in ay ku soo biiri doonaan, mas’uuliyiin kale oo ka soo socda gobollo kale.

Si kastaba ha ahaatee, labadda Xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI ayaa dedaal xooggan ugu jira siddii ay Xisbiga talada haya ee KULMIYE uga faro-maroojin lahaayeen Shirguddoonka golaha Wakiillada iyo Maayarrada magaallooyinka waa wayn ee Somaliland, taasoo noqonaysa guuldaro wayn oo la soo derristay Xisbiga KULMIYE.

Loading...
Loading...