"Dalkan Nusqaan badan baa jirta, Dhaliisheeddana waxa leh Cidda Kursiga Ku Fadhidda" Cabdillaahi Darawal

0
Monday June 07, 2021 - 18:00:51 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dalkan Nusqaan badan baa jirta, Dhaliisheeddana waxa leh Cidda Kursiga Ku Fadhidda" Cabdillaahi Darawal

    "Dalkan Nusqaan badan baa jirta, Dhaliisheeddana waxa leh Cidda Kursiga Ku Fadhidda" Cabdillaahi Darawal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dalkan Nusqaan badan baa jirta, Dhaliisheeddana waxa leh Cidda Kursiga Ku Fadhidda" Cabdillaahi Darawal


Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), oo ka mida siyaasiyiinta waa wayn ee reer Somaliland, ayaa waxa uu ka hadlay Doorashooyinkii isku sidkannaa ee 31-kii May ka qabsoontay guud ahaan dalka Somaliland.
Barnaamajka Xusuus Reeb Cabdilaahi Darawal Qaybtii 2aad - YouTube


Siyaasiga Cabdillaahi Darawal waxa uu ka hadlay khaladdaad badan oo Somaliland ka jira, waxaannu soo hadal qaadday bulshadda ku dhaqan gobolka Sanaag barri oo aan wax matallaad ah ku yeellan doorashooyinkii dalka looga darreeray ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, isagoo sheegay in deegaankaas aannay doorasho ka dhicin oo lala wareegay.

"Doorashadda waynu soo wada dhawaynaynaa gudo iyo dibad-ba, waanna la wada majeertay inay doorashooyin wanaagsani innoo dhaceen, laakiin innagu gudaheenna in aynu runta isku sheegno ayaa wanaagsan, nusqaan baa jirta ay ka mid tahay Sanaag barri oo kale, bulsho dhan oo dhawr boqol oo KM degta ayaan matallaad ku lahayn goleyaashii soo baxay, sababtuna maaha in ay iyaga xaggooda ka timid, ee maamulkii meesha ka jirey ayaan gacanteenna ku jirin oo waa lala wareegay meesha, taanna dhaliisheedda waxa leh cidda markaas Kursiga ku fadhidda oo dawladdaa leh.

Arrinta labaad waxaynu beesha caalamka u sheegnaa in aynu doorashooyin wanaagsan qabsanay oo aynu ictiraaf ku doonayno, laakiin kuwa aad ictirraafka ka doonaysaa way kaa ildheer yihiin, waannay arkayaan in aynu wax wanaagsan qabanayn, laakiin si deg deg ah inay uga jawaabaan ma rabbaan, waayo waxay arkayaan in kii Kursiga yimaaddaaba uu iska fadhiyaayo inta uu rabo oo kolba la iska kordhisto uun, markaa haddii aynu doonayno in dimuqraadiyaddu hirgasho oo waxa aynu caalamka ka doonayno helno, waxa loo baahan yahay doorashaddaas isku sidkan ee sida wanaagsan u qabsoontay ee guddo iyo dibad-ba laga majeertay yaynaan hadhow ku qaribin kordhin inta la yidhaahdo doorashaddii baanu qaban kari waynay, anigu taas baan ka sii afeefannayaa.

Dalkanna ilaa Sharcigiisa la raaco oo mid walba wakhtigeedda la qabto dal noqon maayo, maalin walba ku jiri mayno nin intuu yimaaddo inta uu rabo iska fadhiya, gole intuu yimaado intuu rabo iska fadhiya oo dabadeedna iska taga marka danbe, adduunyadduna way ku arkaysaa, dimuqraadiyaddana meel ay kaga jirtaa ma jirto, kuwa imika joogaanna haka sii fekerraan si aynu u ilaashanno samcaddeenna." Ayuu yidhi Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Cabdillaahi Darawal).

Loading...
Loading...