Loollanka Maayarnimada Caasimadda Hargeysa Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Shaxda Xisbiyada Mucaaridka

0
Monday June 07, 2021 - 17:08:05 in News by
  • Visits: 5210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loollanka Maayarnimada Caasimadda Hargeysa Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Shaxda Xisbiyada Mucaaridka

    Loollanka Maayarnimada Caasimadda Hargeysa Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Shaxda Xisbiyada Mucaaridka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Loollanka Maayarnimada Caasimadda Hargeysa Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Shaxda Xisbiyada Mucaaridka


Tan iyo markii lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee golaha degaanka Magaalada Hargeysa, isla markaana la shaaciyey liiska musharraxiinta guulaystay ee 17 Xildhibaan, kuwaas oo aqlabiyadda 11 Xildhibaan ay leeyihiin labada Xisbi Mucaarad ayaa waxa bilaabmay loollanka u dhaxeeya xubnaha Xisbiyadda Mucaaradka ah oo ku hirdamaya kursiga maayarnimadda Magaalada Hargeysa,maddaama oo ay aqlabiyadda leeyihiin.

Xildhibaan Cabdrisaaq Maxamed Faarax Wiiwaa oo kamid ah Xildhibaanada Xisbiga WADDANi uga soo baxay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu quuddaraynayo xilka Maayarnimo,isla markaana aanu damaciisa ka tannasuli doonnin,waxaanu sidaas ku sheegay mar uu war-baahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa" Horta nina hankiisa kama tanaasulo anniguna halkan uma aan iman Xildhibaanimo uun,waxa weeye annigu Maayarnimo ayaan doonnayaa,waxa aan rabbaa in Magaalada aan wax ka beddelo.” Xildhibaan Cabdrisaaq Maxamed Faarax Wiiwaa.

Xildhibaan Siciid Cabdisamad Axmed ( Cudhay) oo isna kamid ah Xildhibaanada uga soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu u tartamayo kursiga Maayarnimadda Magaalada Hargeysa "Waxaan u taaganahay Inaan noqdo maayirka Magaalada Hargaysa”

Dhanka kalena Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan oo kamid ah Xildhibaanada Xisbiga WADDANI uga soo baxay Magaalada Hargeysa, isla markaana ahaa Xildhibaanka aqlabiyadda codka shacabka Hargeysa lagu soo doortay ayaa isna sheegay inuu u tartamayo Maayarnimada Magaalada Hargeysa "Anniguna saacadaa laga bilaabo iyo maanta oo la joogo, waxa aan gelayaa dedaalkeeda in aan Maayar ka noqdo Magaaladan aynu jecelnahay ee Hargeysa,codka aad bixiseen ee aad i siiseen waa farriin aad u dirteen Madax-da Qaranka ,waxaan rejaynayaa in madax-da Qaranka iyo axsaabtuba ay qadarin doonnaan, rabbitaanka shacabka iyo doonista shacabka .”

Geesta kalena xoggo uu Wargeyska Foore helay ayaa sheegay in masuuliyiinta Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay ku qanciyeen Xildhibaanadooda in Maayarnimadda looga tanaasulo Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge,maddaama oo uu haysto aqlabiyadda codka shacabka Hargeysa,halka Maayar ku-xigeenkiina la sheegay in la filayo in laga dhigo Xildhibaan Khadar Axmed Cumar oo kamid ah Xildhibaanada ka soo baxay Xisbiga UCID,isla markaana ka soo jeeda degaanka Galbeedka Hargeysa.

Guddida is-bahaysiga xisbiyada Mucaaridka ee WADDANI iyo UCID iyo xidlhibaannada uga soo baxay Golaha Deegaanka ayaa la filayaa in ay isla meel dhigaan qorshe ay ku qaataan Maayarka iyo Maayar xigeenka Caasimadda Hargeysa oo muhiimad weyn u yeelan doonta xisbiyadan haddii taasi dhacdana waxa la filayaa in ay magaalooyinka waaweyn sidaasi kaga qaataan KULMIYE.



Loading...
Loading...