Haweenka Somaliland Oo Niyad Jab Ka Muujiyey Dimuqraadiyada Iyo Nuxurka War Ay Soo Saareen

0
Monday June 07, 2021 - 16:58:54 in News by
  • Visits: 1674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenka Somaliland Oo Niyad Jab Ka Muujiyey Dimuqraadiyada Iyo Nuxurka War Ay Soo Saareen

    Haweenka Somaliland Oo Niyad Jab Ka Muujiyey Dimuqraadiyada Iyo Nuxurka War Ay Soo Saareen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweenka Somaliland Oo Niyad Jab Ka Muujiyey Dimuqraadiyada Iyo Nuxurka War Ay Soo Saareen

Hargeysa(HWN):-"Niyad jabka haweenka ee doorashayiinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada….” Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ay soo saareen qaar ka mid haween-weynaha reer Somaliland.
May be an image of 1 person, standing and headscarf



Haweenka Somaliland waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan dhismaha dhaqan,dhaqaale, siyaasadeed iyo Bulshaba ee Jamhuuriyadda Somaliland, Haweenku waa rukunka ugu wayn ee geeddi socodka Dimuqraadiyadda iyo hanaanka doorashooyinka Somaliland, iyaga oo ah codbixiyayaasha ugu badan ee doorashooyinka Somaliland, hase ahaatee, haweenku marnaba kama helin saamigii ay mudnaayeen xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland.

Waxa wax laga xumaado ah in haweenka Jamhuuriyadda Somaliland aanay haba yaraatee helin matalaadoodii Goleha Wakiillada. Nidaamka doorasho ee qabiilku leeyahay saamaynta ugu badan, waxa uu meesha ka saarayaa xuquuqda haweenku u leeyihiin inay talo ku yeeshaan go’aannada masiiriga ah ee noloshooda saamaynaya.

Haweenwaynaha waxa ay ku baaqaayan in dib-eegis lagu sameeyo shuruucda doorashada, sido kalena laga dhigo kuwo wadada u xaadhanaya in haweenku helaan metelaad rasmi ah. Waxaanu mar kale ku baaqaynaa in ay lagama maarmaan tahay in haweenku helaan kooto gaar ah, oo ay dhexdooda ku tartamaan, inta laga gudbayo caqabadaha dhaqanka iyo qabiilka.

Waxaanu hanbalyaynaynaa hablihii dadaalka badan soo sameeyay kuna soo dhawaaday guusha dhamaantood, waxakaloo aanu hambalyaynaynaa sadexdii hablood ee kasoo baxay golaha deegaanka Wax kaloo muqadas ah in aanu dedaalka halkaa kasii wadi doono oo aan anu niyad jabidoonin.

Loading...
Loading...