Mulkiilaha HUDHEELKA SAHAN Maxamuud Jirde Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Xaaji Cabdi Waraabe.
Mulkiilaha hudheelka SAHAN ee ku yaala magaalada Toronto Maxamuud Jirde, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa ayaa dhambaal
tacsiya udiraya ilaahay Naxariistii janno hasiiyee Marxuum Xildhibaan, oday, Samataliye
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ku magac dheeraa (Cabdi-waraabe) oo ku
geeriyooday magaalada Hargaysa.
Maxamuud Jirde ayaa ku sifeeyay Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oday ku suntanaa nabada iyo ka shaqaynta wanaaga ummada dhexdeeda, waxaanu doorwayn ka qaatay nabadaynta beelaha Somaliland markay xurguftu dhexmarto.
Maxamuud Jirde ayaa intaasi ku daray in uu doorwayn oo mihiim ah ku lahaa aasaaskii qaran nimada Somaliland.
Wuxuuna ilaahay uga baryay Marxuumka inuu janadii Fardawsa geeyo, ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxayna uu samir iyo iimaan ka siiyoo.
Aamiin Aamiin.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...