Faallo:-Xukuumadda KULMIYE Oo Hadda Wixii Ka Danbeeya Lala Xisaabtami Doono!

0
Monday June 07, 2021 - 11:16:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Xukuumadda KULMIYE Oo Hadda Wixii Ka Danbeeya Lala Xisaabtami Doono!

    Faallo:-Xukuumadda KULMIYE Oo Hadda Wixii Ka Danbeeya Lala Xisaabtami Doono!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Xukuumadda KULMIYE Oo Hadda Wixii Ka Danbeeya Lala Xisaabtami Doono!


Hargeisa(HWN):-Doorashaddii goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee guud ahaan dalka looga dareeray Isniintii toddobaadkii hore ee ku taariikhaysnayd 31-kii May 2021-ka waxay soo af-jartay oo meesha ka saarraysaa Sannooyin badan oo dalku u af-duubnaa Xisbiga talada haya ee KULMIYE, taasoo dalkii dhaxal-siisay dib u dhac baahsan iyo isla xisaabtan la'aan.
Muuse Biixi oo sheegay in DFS ka baxday wadahadaladii Jabuuti – Puntland Post


Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi oo saddex sano dheerraad cimriggeedu marraayo, waxaan eex, qabyaalad iyo musuqmaasuq ahayn oo ay ummadda reer Somaliland ku soo kordhay ma jiraan, taanna waxa u sabab ah dalkuba waxa uu ahaa mid u afduuban Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa, waxaannu dalku ahaa mid wada muxaafidaysan oo aannay jirin cid ay Xukuumaddu wax isaga tirrinayso, isla markaanna khaladaadkeedda ku daba-geli karra oo Distoorka dalka ku ilaalin karra, taasoo Xukuumadda iyo Xisbigeeduba ay is dhigteen oo adeeggii bulsheed iyo Horumarkii ummaddeed ee laga sugaayay ay kaga mashquuleen waxyaabo aan loo baahnayn.

Xukuumaddan uu gadh-waddeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddii ka horraysayba waxay isku darsaddeen hoggaaminta Waaxdii fullinta iyo hoggaaminta Waaxdii Xeer-dejinta, gaar ahaan golaha Wakiillada oo muddo dheer hadda ay Shirguddoonkiisa gacanta ku haysteen, kadib markii uu jagaddaas guddoomiyaha golaha Wakiillada iska casilay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), qabashadda shirguddoonka golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE waxay u sahashay oo u fududaysay inay dalka sidii ay rabbaan ka yeellaan, wixii ay doonnaana uu Sharci noqdo, wixii ay diiddaana uu shaqayn waayo, taasoo keentay in Xukuumaddu ay ku kacdo Musuqmaasuq badan, Xadhig sharci-daro ah oo tiro beelay, Caddaalad-daro loo gaystay shacab masaakiin ah, iyaddoo ay meesha ka maqnayd dheelitirkii Hayaddaha dawliga ah ee is ceshan lahaa, Sharcigana isku ilaalin lahaa ay Xisbiga KULMIYE gacanta ku wada dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee golahan cusub ee Wakiillada oo labadda Xisbi mucaarid u middoobeen siddii ay u qaaddan lahaayeen Shirguddoonka aqalkaas, ayaa laga filayaa inay soo celiyaan haybaddii iyo awooddihii Distooriga ahaa ee golahaasi lahaa, taasoo jidka u xaadhaysa isla xisaabtan dhab ah, iyaddoo Xukuumadda Muuse Biixina lagu ilaalin doono Sharciga si aannay dabarka u goosan.

Loading...
Loading...