Casharrada Laga Baran karo Doorashooyinkii Isku sidkanaa
Dhawr qoddob ayaa laga baran karaa noocan doorasho ee wada socda ee inagu cusbaa hadaynu nahay reer Soomaalilaan. Waxa aynu xoogga saari doonaa meelaha mudan in lagu cibro qaato:
=
Inay intii badnayd meesha ka baxday lacag iyo qabiil ku ololeyntii, gaar ahaan
deegaannada ay caasimadu maamusho, waxaana tusaale cad u ah cododka Cabdikariim
Axmed Mooge iyo Barkhad Batuun.
= Inay 80% noqotay saameyntii ay dhallinyarada da’doodu ka hoosayso 40 jir ku leeyihiin bulshada Soomaalilaan, waxaana laga qiyaas qaadanayaa musharraxiinta iyo dadka codka bixinaysaa inay dhallinyaradaasi yihiin.
=
In wakhtigoodu dhacay oo aanay wakhtigan la jaanqaadeyn da’da 65 jir ka weyni
bulshada Soomaalilaan. Wixii isku sharraxay da’daasina ay intii ugu badnayn
dhaceen, iyaga oo afgaran waayey luuqada lagula hadlo dhallinyaradan faraha
badan ee codka ay ka doonayaan.
= In 80% musharraxiintii ay wateen masuuliyiinta
dawladdu ee xisbul xaakimka Kulmiye u tartamayey ay dhaceen, oo masuuliyiintii
dawladdu ay khasab ku noqatay inay hambalyeeyeyeen musharraxiintii deegaankooda
ee xisbiyada mucaaradka ka sharraxnaa ee soo baxay.
= In awooddii ay lahaayeen masuuliyiinta dawladdu marka la eego doorashooyinkii hore ee ay lacagta dawladda iyo awoodda dawladda ku ololeynayeen ay meesha ka baxday oo madaxweynuhu uu fikirkaasi meesha ka saaray. Masuul dawladeed oo lacag faraqaya ama awood dawladeed adeegsanaya ayaa la waayey.
= Faragelintii ay masuuliyiinta dawladdu ku sameyn jireen guddiga doorashooyinka oo iyana meesha ka baxday. Doorashooyinkii hore waxa dhacday in mid ka mid ah masuuliyiinti xilka haysay uu gaadhigiisii ku qaatay 7 sanduuq iyo waraaqihii codbixinta oo goob cidla ah ku soo buuxsaday.
= Xisbiyadii mucaaradka ahaa oo afkooda laga waayey doorashada waa lagu shubtay, marka laga reebo shakhsiyaad si gaar ah wax u tirsanayey oo warbaahinta goobo kala duwan kula hadlay.
= Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid oo xukuumada Kulmiye ay
gacansaar lahaayeen wixii ka dambeeyey doorashooyinkii 2002, ayaa markii ugu
horraysay ka baxay gacansaarkii ka dhexeeyey xisbiga xukuumiga ah ee Kulmiye oo
la heshiiyey xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. In kasta oo weli uu heshiiskaasi
qaydhiin yahay haddana shir is-afgarasho ah ayaa labada dhinac dhexmaray.
Haddii uu heshiiskaasi meelmaro waxa afka ciidda loo dari doonaa xisbiga
xukuumiga ah ee Kulmiye oo laga qaadan shir-guddoonka Baarlamaanka iyo
Maayarada magaalooyinka saameynta leh.
= Markii la isla gartay in beelaha dib loogu celiyo oo
ay musharraxiinta keenaan, waxa dhacay in jilibadii beeluhu ku coloobaan ciday
sharraxayaan. Waxaana dhacday colaad fool xun oo ay maryo dhiig leh kala
furtaan jilibadii beeluhu, oo keenay in jilib kastaa musharrax yeesho.
Colaadaasi ayaa lagu wadaa inay jilibada beeluhu ka heshiiyaan bilaha soo socda
maadaama lagu dhawaaqay natiijadii. Doorashooyinka madaxtinimo waxa colooba
reer waaweyn, hasayeeshee doorashooyinkan isku sidkanaa waxa coloobay jilibada
beelaha. = Sanaag bari oo gebi ahaan weyday musharraxiintii Baarlamaanka ee ku
meteli lahaa xubnaha sharci-dejinta Soomaalilaan, ka dib markii ay isla dhaceen
dhammaan musharraxiintii deegaannadaasi ka sharraxnaa.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan ,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!