Khiyaamo Ay Isla Og Yihiin Seddexda Xisbi, Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumaduba Oo Umadda Laga Qariyo

0
Monday June 07, 2021 - 11:00:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khiyaamo Ay Isla Og Yihiin Seddexda Xisbi, Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumaduba Oo Umadda Laga Qariyo

    W/Q: Abdirizak Ahmed Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirizak Ahmed Jama


Ugu horeyn Ilaahay baa mahad leh ina dhaafiyey xildhibaanadii duleysnaa ee xaaraan quutayaasha ahaa.

Doorashooyinka wakiilada iyo degmooyinka Somaliland, waxay ku bilaabmaan habsami, ilaa ay sanaadiiqdu ku soo xaroodaan xarunta gudida doorashooyinka.

Ogow, goobaha ay umaddu ku dhiibanayso codkooda ayaa markiiba lagu ogaadaa magacyada murashaxiinta iyo sida ay ugu kala horeeyaan codadka. Murashax walba waxaa u jooga muraaqib ay hawshiisu thay in uu diiwaan gashado tirada muurashaxiisu helay. Si hadaba, looga qariyo umadda magacyada murashaxiinta soo baxay dhab ahaan iyo codadka ay heleen, waxaa la soo bandhigaa wax ay ug yeedhaan natiijada hor dhaca ah, oo ah kuraasta xisbi walba ka helay degmadaas, sida Ucid 5, Wadani 5 iyo Kulmiye 5. Iyadoo la isticmaalayo shax u dhigan sidan: Degmo walba waxay leedahay tiro kuraas ah oo cayiman. Wadarta guud ee degmo walba ka codaysay ayaa loo qaybiyaa kuraasta degmadaas. Waxaa soo baxa kursi walba inta cod ee uu ka joogo degmadaas. Kadib, xisbi walba wuxuu isu geystaa tirada guud ee uu ka helay degmadaas. Waxaa markaa tiradii degmada ka codaysay loo qaybiyaa tirada guud ee xisbi walba. Sidaas ayey ku soo baxdaa tirada xisbigu ka helay degmadaas.



Ogow umadda waxaa laga qarinayaa in ay ogaadaan magacyada murashaxiinta dhabta ee soo baxay.


Sanaaqdiiqdii oo dhan ayaa isugu yimaada xarunta guddiga doorashooyinka. Halkan hadaba, waxaa ka dhaca isku huf iy kala haadin ay dhamaantood isla wada ogol yihiin. Iyagoo intoodaasi ku kali yihiin xarunta gudiga dooroshooyinka, ayey farfareeyaan sanaaduuqdii si ay u kala xushaan murashaxiinta. Xisbi walba tiradii uu haystay ayuu u bedeshaa magacyo. Tirooyinka codadkii sanduuqyada ku jirey ayaa isbedel ku yimaadaa. wakhtigaa hwashaa lagu jiro, tirada codadka ee murashaxiintu wey sabeeyaan, qaar kor u kaca iyo qaar hoos u dhaca. Marka waxay heshiis ku ahaayeen dhamayaan ayaa lagu dhawaaqaa liiska magacyada dadkii ay soo saareen. Hadalka ay dadka la hor yimaadaana, waa guul ayey doorashadii inoogu dhacday. Halka murashaxiintii yaab, amakaag iyo af kala qaad ku noqoto natiijada soo baxday.


Khalad dan uma noqon karo qaran. Albaabka inoo soo xidha, aan murashaxiinta kala shaandhaysanee, ma aha caqli, qaran lagu wadi karo. In marka murashaxiinta oohintooda la maqlo, dhabta lagu qabto oo la lulo, oo loo qaado "Diidayoow, waa dalkaagii doqon yahow, waa digniine dadka soo raac) ma qabato umadda Somaliland iyo murashaxiinta ay dhab ahaan ugu codeeyeen.


Allahayoow nagu jihee Cadaalad iyo sinaan buuxda.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...