Barkhad iyo Boqol Su'aalood??

0
Monday June 07, 2021 - 10:35:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barkhad iyo Boqol Su'aalood??

    W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar
Nabad akhristayaal,

Bariido iyo bogaadin si gaar ah ugu socota Barkhad Jaamac Batuun kaddib, aad iyo aad ayaan ummadda reer Somaliland ugu hambalyaynayaa; sidii quruxda, qiimaha iyo qarannimo ka muuqatey ee ay u guteen waajibkii qarannimo ee labadiii doorasho ee is-ku-sidkanaa!


Haddii aan hoos ugu soo dago, mowduucan ah: Barkhad iyo Boqol Su'aalood oo aan doonayo; in aan si kooban uga hadlo - haddii Eebbe idmo.

Sababta aan Barkhad uga suntaday boqolaalka kale ee reer Somaliland ee doorashadii ku soo baxay, cid waliba way malayn kartaa oo sarid mooyiye saafid iigama baahna.

Sidaa awgeed, duuduubka iyo waa midho Darayayaan ku dhaafayaa! Ninkii duuduubka ku liqaya iyo kii dildilaacinayaba, isaga iyo dookhii!?

Barkhadoow, haddii laguugu sheekayn jirey, in aad ka dhalatay beel la bahdiley oo baraqjabtay oo aan loolami karin; horta taasi beenoowdey ee ku bushaareyso - beeshana u sheeg.

Haddii aanad hore u ogeyn, in aanay bulshada reer Somaliland ku jiraan boqolaal beerka kala ooya, beeshaadana u hiiliyaa;" Waayeel hotiisaa caanaha lagu biyeeyaaye," maantaba ogow!

Barkhadoow, marka hore Ilaahii ku abuuray ee weliba muslimka kaa dhigay ku mahadi. Mar labaadna beeshii ku soo xulatay ee xoogga iyo xoolahaba kuu hurtay ku xigsii. Marka saddexaadna, waxa mahad kaa mudan; ummadda reer Somaliland ee mar cashuurtii (fee)dii kaa dhaaftay, mar labaadna kaaga hiilisay reerihii isbidi jiray. Halkaasina waxa ka cad, in aad ka dhalatay ummad gob ah oo ku garab taagan.

Waxayse su'aashu tahay, Barkhad sidee ayuu uga jawaabi doonaa; boqolkan su'aaloodee bulshada reer Somaliland u hayso - muddada shanta sannadood ee la doortay- haddii aynnu nafta haynno!

  • Bakhad ma wuxu noqonayaa, nin beeshiisa oo keliya u dooda?
  • Barkhad ma wuxu noqonayaa, nin biidhiqaate ah oo tiisa u nool?
  • Barkhad ma wuxu noqonayaa, abaallaawe albaabada ka xidha; intii dooratay?
  • Barkhad ma wuxu noqonayaa, afhayeenkii Waddani ee wejiyada badnaa?
  • Barkhad ma wuxu noqonayaa, nin u abaalguda intii u hiilisay?
  • Barkhad ma wuxu noqonayaa, nin murankii Buuni halkii ka sii wada oo uur-ku-hays leh?
  • Barkhad ma wuxu noqonayaa, nin gob ah oo ku beeniya; intii gunta u haysatey?
  • Barkhad ma wuxu noqonayaa, nin tusaale iyo tilmaanba u noqda inta tiigsaneysa ee ka dambaysa?
  • Barkhad ma noqon doonaa, nin sharaftii Shuurriye ku shaqeeya oo lixdamaadkii lagu xasuusto?
  • Barkhad ma wuxu noqonayaa, ...? ...? ...? Barkhad iyo boqol su'aalood dheh!

Barkhadoow, ujeeddada maqaalkani ma aha; in uu culays iyo caadis ku saaro amaba ku cabsiiyo, waase baraarujin iyo bogaadin! Ogowna, in aanad ragga kale la mid ahayn ee ay ku hayaan; laba indhood oo kala ah: isha beeshii ku soo xulatay iyo ta ummadda Somaliland ee cid walba kaaga hiilisay!


" Iska soo mar waa kuu mubaax marinkaad doontaaye!" Waa ereyadii Qaasim .
Ifka iyo aakhiraba Ilaahay ha inna asturo. Aamiin


Cabdullaahi Maxamed Cumar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...