Doorashooyinka Somaliland Iyo Ahmiyada Ay Qaranka U Leeyihiin
W/Q: Mohamed Abdi Jama
DOORASHOOYINKA SOMALILAND IYO MUHIIMADA AY QARANKA JAMHUURIYADA SOMALILAND U LEEYIHIIN.
1-Doorashooyinku marka koowaad waa xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin
muwaadiinta jamhuuriyada Somaliland si ay u soo xushaan masuuliyiinta ku
matali lahaa kuraasta qaranka ee doorashooyinka ku yimaada .
2-Doorashooyinku waxa ay ka mid yihiin nidaamka dimuqaradiyadeed ee
qaranka jamhuuriyada somaliland qaatay oo ah habka ururada siyaasada iyo
axsaabta badan oo uu jideeyey dastuurka dalku.
3- Sida ku cad qodobada dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland oo ah
ka ugu sareeya ee dalka iyo dadka Somaliland sameysteen in la isku
dhaqo , waxa ku cad qodobadiisa 9aad , 22naad iyo 23naad xuquuqda
muwaadinka iyo kaalintiisa siyaasadeed.
4- Waxa ay saldhig iyo sees u yihiin xasiloonida dalka iyo isku niyad
furnaanta dadka jamhuuriyada Somaliland , maadaama oo uu qofku ku soo
bixi karo doorasho ma jirto wax ku kalifaya wax ka soo horjeeda nidaamka
dalka hadii aan lagu kalifin.
JOOGTEYNTA DOORASHOOYINKA IYO FAAIIDADA AY LEEYIHIIN.
1-Doorashooyinka dalka oo la joogteeyaa oo mid waliba ku qabsoontaa
xiligii loogu talo galay waxa ay ka qayb qaadanaysaa horumarka dalka oo
nidaam ahaan iyo dhisme ahaan isku raaca.
2-Waxa lagaga badbaadayaa kalitalisnimo iyo halaag ku dhaca umada
sidii hore u soo dhacday , sidoo kale dalal badan oo kalena haysata .
3- Waxa ay soo saarayaan sumcada iyo wanaaga qaranka jamhuuriyada
Somaliland waxaana ay sumcad iyo wanaag kaga kasbanaysaa aduunka kale ,
sidii hore u soo dhacday 6 dii doorasho ee hore.
4- Waxa ay soo dhaweynaysaa xidhiidhka beesha caalamka iyo
jamhuuriyada Somaliland waxaana ay kor u qaadayaan meeqaamka qaranka .
WAAJIBAADKA KA SAARAN XUKUUMADA DOORASHOOYINKA
1-Xukuumad kasta oo dalka loo doortaa waxa uu waajibaad qaran ka
saaran yahay ilaalinta shuruucda iyo xeerarka dalka , xuquuqaha
muwaadiniinta oo dhinacwalba ah oo ay ka mid yihiin xaqa wax doorashada
iyo ta la doortaha.
2- Ku daba taagnaanta hay’adaha ku shaqada ku leh iyo in dabada ay ka
riixdo wax walba oo caqabad ku ah doorashada sidii hadda ay sameysay
xukuumadu.
3- Qabsoomida doorashada oo ay u diyaariso dhaqaalihii lagu qaban
lahaa marwalba iyo wax walba oo ay u baahan yihiin si aynu uga maarano
gacan qabasho iyo kaalmo shisheeye.
DOORASHOOYINKII HORE IYO SIDII SOMALILAND ADUUNKU UGU QIIMEEYEY.
Doorashooyinkii hore ee Somaliland oo ahaa 6 doorasho oo dhacay
xiliyo kala wada duwan iyo duruufo adag oo u badnaa doorashooyin ku
cusub dalka marka laga reebo doorashada madaxweynaha oo 3 goor la qabtay
waxa ay Somaliland ku soo jeediyeen indhaha caalamka waxaana lagu
tilmaamay nal ka soo ifay geeska Africa.
Warbaahinta aduunka qaarkood ayaa ku tilmaamay in ay Somaliland tahay
mucjisada Africa markii la arkay waxa ay qabsatay iyo sida ay u qabatay
doorashooyinkaasi oo ahaa wax ku cusub gobolka geeska Africa oo ay
daashatay mucangagnimo iyo kalitalisnimo.
Waxa ay u sahashay xukuumadihii hirgaliyey in wadamada waaweyn ee
aduunku marti galiyaan madaxweynihii Somaliland , tusaale madaxwayne
daahir rayaale kaahin wada lagu martiqaaday halka looga taliyo dawlada
aduunka ugu quwada weyn ee maraykanka ( state department ) sidoo kale
waxa lagu casuumay chatamhouse iyo house of commons oo ah meelaha dalka
ingiriiska looga taliyo laguna soo bandhigo waxa ay qabsadeen dadku .
DIB U DHACA DOORASHOOYINKA IYO WAXII AY SOMALILAND KALA KULANTAY
Dib u dhacyo aan daruuri aheyn oo ku dhacay doorashooyinka dalka ayaa
Somaliland waxa ay kala kulantay in dhawr goor doorashooyinkeega beesha
caalamku soo farogaliso si ay u xaliso khilaafyadii jiray waxaana ka
mid ahaa heshiiskii April 2009 madaxtooyda Somaliland ay axsaabta
siyaasada iyo xukuumadu ku galeen.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dhawr goor oo waxii ka dambeeyey 2010 oo
ay doorashooyinku ragaad sii noqdeen beesha caalamku Somaliland ku
boorisay in ay doorashooyinka qabato khilaafyada jirana la dhameeyo
iyaga oo soo jeediyey xalal badan oo dhawr ah.
Markii dambena waxaaba ay noqdeen beesha caalamku juuri la isku
dacweeyo oo hadba xisbiga mucaaridka ahi marka uu garawsho ka waayo
xukuumada joogta uu xageega u cararo , taasi oo ah mid aan u
wanaagsanayn jamhuuriyada Somaliland.
Iyo dadkii Somaliland oo ka niyad jabay doorashooyinka ka dib markii
gole kasta oo la doortay uu mudo xileedkiisii sharciga ahaa laban laab
iyo in ka badan talada qaranka iska fadhiyo iyo waliba tabashooyin is
badel la'aan oo kor usii kacaya , waana sababtii doorashooyinka ugu
dambeeyey dadka loola baryayey in ay is diwaan galiyaan iyo in ay
codeeyaan , waxaana tusaale nool ah marwalba tirada is diwaan galisa iyo
inta codeysa farqiga weyn ee u dhexeeya.
DOORASHOOYINKA ISKU SIDKAN EE SOMALILAND GASHAY 31-05-2021 IYO REJADA LAGA FILAYO.
Somaliland waxa qabsoomay doorashadii 7aad ee dadwaynuhu si toos ah
codkooda ugu codeeyaan uguna soo saaraan cidii ay rabaan marka laga
reebo aftidii dastuurka ee lagu ansixiyey nidaamka dimuqaradiyadeed ee
jamhuuriyada somaliland iyo habka axsaabta badan oo dastuurka dalku
qeexayo taasi oo dhacday 31-05-2001 , waxaana labaatan jirsaday nidaamka
dimuqaradiyadeed iyo doorashooyinka tooska ah.
Doorashadani ugu dambaysay waxa ay ahayd mid ka duwan kuwaa hore
sababta oo ah waa markii ugu horeysay ee doorasho labo gole ama laba
doorasho hal mar la wada qabto , labadani doorasho oo dhaafay mudo
xileedyadii dastuuriga in badan , taasi oo kaliftay in umadu isa soo
taagto.
Doorashadani waxa lagu hab qiiro wadaniyadeed iyo rabitaan shacab oo
isbadel doon ah , waxaana laga filayaa in ay rejo iyo yidiidiilo waxa
qabad muuqda yeelan doonaan dadka la doortay gaar ahaan goleyaasha
deegaanka oo aad isha loogu hayaa.
Waxa ay nooleeyeen sumcadii qaranka oo waxaa ina soo eegaya indhaha
caalamka oo dhan iyaga oo ay yimaadeen goob joogeyaashii ugu heerka
sareeyey uguna miisaanka cuslaa intii ay somaliland doorasho galaysay ,
taasi oo ku tusaysa sida somaliland loo danaynayo , iyada oo aynu og
nahay in doorashooyin laga qaban kari laayahay dawladaha aynu jaararka
nahay , qaarna ay qabsadeen doorasho muuqaal doorasho uun leh laakiin
aan macnihii iyo ujeedadii laga doonayay jirin.
Waxa sidoo kale abuurantay rajadii in doorashooyinku dhacaan oo
mudadii ugu dambaysay qaranka ku keenay hoos u dhac dib u dhaca iyo mudo
korodhsigii badnaa ee doorashooyinka , waxaana golaha wakiilada cusub
laga sugayaa in ay xeerar badan oo ay kuwa doorashooyinku ugu horeeyaan
hagaajin doonaan isla markaana xukuumada kula xisaabtami doonaan
waajibaadyadii loo soo doortay.
GEBO-GEBADII GUUD AHAAN DOORASHOOYINKA IYO WAXA AYNU KA DOONAYNO.
1- Doorashooyinka waxa aynu ka doonaynaa in ay noqdaan qaar xor iyo
xalaal ah oo daah furan , oo dadka jamhuuriyada Somaliland u horseeda
horumar , walaalnimo iyo is jacayl.
2- Doorashooyinka waxa aynu ka doonaynaa in ay dalka horseedaan
nidaam siyasaadeed oo xasiloon oo leh hore u socod , sidoo kale dadka u
horseeda is dhexgal iyo in ay afkaar ku midoobi karaan iyaga oo kala
gobolo ah kala degmooyin ah , kala qabiil ah.
3- Doorashooyinka waxa aynu uga baahanahay in ay noqdaan qaar
jamhuuriyada Somaliland ugu soo dara oo aan uga sii darin isla markaana
halka uu dalku maanta taagan yahay meel ka wanaagsan gaadhsiiya.
4- Doorashooyinka waxa aynu uga baahanay in ay inoo soo saaraan
hogaamiyeyaal iyo adeegayaal wanaagsan oo dalka iyo dadka jamhuuriyada
Somaliland mahadiyo .
5- Doorashooyinka waxa aynu ka doonaynaa in ay nooleyn iyo shidaal u
noqdaan hanaanka dimuqaradiyadeed iyo nidaamka doorashooyinka ee
axsaabta badan oo uu dalku hiigsado dunida horumartay dadkiisuna helaan
xuquuqaha siyasadeed , nololeed , cilmiyeed , diimeed , dhaqameed , iyo
baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha lagama maarmaanka u ah.
Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed
Muxamed Dhimbiil
Hargeisa , Jamhuuriyada Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...