Faysal Cali Waraabe Oo Faahfaahiyay Ujeedada Isbahaysiga Mucaaradku Samaysteen

0
Monday June 07, 2021 - 08:49:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Faahfaahiyay Ujeedada Isbahaysiga Mucaaradku Samaysteen

    "Waxaanu jecelnahay in aanu soo celino nidaamkii aanu qaadanay "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu jecelnahay in aanu soo celino nidaamkii aanu qaadanay "

Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, oo BBC-da waraysi siiyey ayaa ka hadlay isbahaysi ay xisbiyada Mucaaradka Somaliland ay shalay sameeyeen.




Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay ujeedada ay usameeyee isbahaysigan ayaa sheegay in ujeeda ay ka leeyihiin isbahaysigoodu tahay in ay helaan awoodda hogaanka baarlamanka.


"Waxaanu jecelnahay in aanu soo celino nidaamkii aanu qaadanay ee dimuqraadiyadda ku dhisnaa. Ee ahaa in xukunku kala soocnaado wada shaqeeyona. Markaa dalkay u dan tahay in aanu gacanta u gelin xisbi keliya powers-ka oo dhami" ayuu yidhi.


Faysal Cali Waraabe oo sii faahfaahinaya faa'iidooyinka togan ee ay ka filayaan in laga heli doono isbahaysiga labada xisbi mucaarad, ayaa sheegay in filashadu tahay in ay si buuxda u soo noqoto ilaalayntii baarlamanku ku lahaa fulinta oo sifo hufan loo wada shaqeeyo, xisbiga talada hayaana aanu noqon doonin sidii markii hore uu ahaa ee uu aqalabiyada golaha isku hallayn jiray.


"Isbahaysiga waxaanu ka rajaynayanaa in dalku dhaqaaqo, waxaanu jecelnahay in aanu ka bilowno Local Council ka iyo baarlamanka markaasuu Executive-kuna shaqayn doonaa waxba ku xumayn mayno dalkaa lagu hagaajinayaa danta ummada weeyi" ayii yidhi


Isbahaysigan ay xisbiyada mucaaradku Sameeyeen ayaa yimid kadib markii xisbiyada Mucaaradku ku guulaysteen aqlabiyada golaha wakiilada Somaliland, taasi oo siwayn loogaga adkaaday xisbiga KULMIYE.


Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office

Loading...
Loading...