Faallo:-Doorashooyinkii Wakiillada Iyo Deegaanka Oo La Musuqmaasuqay

0
Sunday June 06, 2021 - 14:22:35 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faallo:-Doorashooyinkii Wakiillada Iyo Deegaanka Oo La Musuqmaasuqay

    Faallo:-Doorashooyinkii Is-barkannaa Ee Wakiillada Iyo Deegaanka Oo La Musuqmaasuqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Doorashooyinkii Is-barkannaa Ee Wakiillada Iyo Deegaanka Oo La Musuqmaasuqay


Hargeisa(HWN):-Doorashaddii gobolka Maroodijeex iyo Degmadda Hargeisa ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ayaa lagu dhawaaqay natiijo dadkii walaac ku abuurtay, isla markaanna shaki badan gelisay hannaankii doorasho 31-kii May dalka looga dareeray, kadib markii ay soo baxeen 8 Xildhibaan oo Awal ah iyo 8 Xildhibaan oo Gerxejis ah, taasoo muujinaysa in si caddaan ah doorashaddii gobolka Moroodijeeex loo musuqmaasuqay.



Waxaanna jira dhawaaqyo caddaalad-doon ah oo ka soo yeedhaaya gobollada Sool, Saaxil iyo Maroodijeex, kuwaasoo ay ka dhaceen wax is-daba marin baahsan iyo ku shubasho wayn. waanna laga fillaayay Xukuumadda Muuse Biixi iyo Komishanka doorashooyinku inay samayn doonnaan musqmaasuq iyo xatooyo lagula kacay Xildhibaannadii sharaxnaa qaarkood.

Doorashaddan oo ahayd laba doorasho oo is barkan ayaa filaayay inay Somaliland isku soo dhawayso oo tabashooyinkii ka dhashay doorashaddii hore ee goleyaasha deegaanka ay meesha ka saarto, hase yeeshee waxa muuqata in doorashooyinkan is barkan ee Wakiillada iyo Deegaanku ay mar kale sababeen musuqmaasuq iyo Caddaalad-daro lagula kacay Murashaxiintii tartamaysay, kuwaasoo aan ku qanacsanayn natiijooyinkii lagu dhawaaqay ee dalka oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee doorashooyinkii Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland waxay noqdeen kuwo sumad aan fiicnayn u yeella Somaliland, oo beeshe caalamkunna indhaha ku haysay sida doorashooyinkaasi u dhacaan.

Loading...
Loading...