Madaxweynaha Somaliland Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Tartamayaashii Ka Qayb Galay Tartanka Quraanka Ee Heer Qaran+Sawiro

0
Friday May 10, 2019 - 22:45:04 in News by
  • Visits: 3993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Tartamayaashii Ka Qayb Galay Tartanka Quraanka Ee Heer Qaran+Sawiro

    Madaxweynaha Somaliland Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Tartamayaashii Ka Qayb Galay Tartanka Quraanka Ee Heer Qaran+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Tartamayaashii Ka Qayb Galay Tartanka Quraanka Ee Heer Qaran+Sawiro

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa abaalmarinno qaali ah guddoonsiiyey Ardaydii kaalmaha sare ka gashay tartanka Qur’aanka kariimka ah ee heer qaran oo sanadkiiba mar la qabto laguna soo gebogebeeyey caasimadda Hargeysa.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, child and wedding

Image may contain: 6 people, people standing, wedding and outdoor
Image may contain: one or more people, crowd and outdoor

 

Munaasibad ballaadhan oo Ardayda kaalmaha sare ka galay tartanka heer qaran ee Qur’aanka kariimka ah oo caawa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, culimada gacanta ku haysay tartanka Qur’aanka kariimka ah, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimada iyo ardayda kaalmaha sare ka gashay tartankan oo ka socotay gobollada kala duwan ee dalka, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo da’yarta kitaabka Eebbe xifdiday, looguna mahadnaqayo waalidiinta, macallimiintooda iyo culimada tartanka qabatayba.

Image may contain: 14 people, people standing, wedding and outdoor
Image may contain: text
Image may contain: car and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing, beard and hat

 

Afarta Arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay, ayuu madaxweynuhu abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyey, waxana ay ardaydaasi kala yihiin, Cabdibaarri Cabdirashiid Siciid oo ka socda gobolka Maroodi-jeex oo kaalinta koowaad ku guulaystay, waxana uu madaxweynuhu guddoonsiiyey gaadhi cusub oo Nooha ah, halka Axmed Maxamuud Axmed oo ka socda gobolka Saaxil uu kaalinta labaad galay, iyada oo kaalinta saddexaadna uu galay Shucayb Cali Iidle oo ka socda gobolka Awdal. Maxamed Cabdiraxmaan Axmed oo socda gobolka Awdal, ayaa isaguna kaalinta Afraad galay, waxana ardayda kaalmaha koowaad iyo labaad galay baalmarinaha la guddoonsiiyey u dheer cumrada oo si lacag la’aan ah lagu geyn doono.

Image may contain: 5 people, people standing, wedding and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing and wedding
Image may contain: 3 people, people standing, wedding and outdoor
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo sheikh Maxamed Aadan oo kamid ah culimada gacanta ku haysay tartankan oo halkaas hadallo, ayaa bogaadiyey ardayda ku guulaysatay tartanka, waxana kula dardaarmeen inay sii wadaan barashada diinta iyo kitaabka Eebbe.

Image may contain: 5 people, people standing
Image may contain: 7 people, people standing, beard, hat and outdoor
Image may contain: 3 people, people standing and outdoor
Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and wedding

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda abaalminaha kala duwan ka hadlay, ayaa bogaadiyey cidkasta oo kaalin ka ciyaartay barbaarinta ardayda qu’aanka qaybtay, isaga oo u rajeeyey ardaydaasi inay noqdaan culimo dalka iyo dadkaba anfacda, waxana uu yidhi, "Waxa Ilaahay mahaddii ah inaynnu maanta isugu nimaadno inaynnu bixinno abaalmarintii ardaydii qur’aanka dusha ka qaybtay, marka hore waan hambalyeynayaa macallimiintii, madarasadihii, wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo intii ka qayb qaadatay inay ardaydani heerkaas soo gaadhaan, waxan hambalyeynayaa dhammaan Ardayda yar yar, kuwa jis qaybay, kuwa nus qaybay, kuwa soddonkaba qaybay, kuwa kaalmaha hore qabay, dhammaantood ardayda qur’aanka qaybtay waan hambalyeynayaa, Ilaahayna waxaynnu u weydiinaynayaa inay qur’aanka qaybaan, qarankana wax u taraan, dadkana diinta ku hanuuninayaan oo ay culimo waaweyn noqdaan.”

Image may contain: 10 people, people standing, people on stage and wedding
Image may contain: 9 people, people standing
Image may contain: 5 people, people smiling, people standing
Image may contain: 1 person, smiling, sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting, table and wedding

 

Tartanka qur’aanka kariimka ah oo si heer qaran ah looga qabto gobollada kala duwan ee dalka, ayaa ah kii toddobaad, waxana sannad walba bisha barakaysan ee Ramadaan gudaheeda abaalmarinno la guddoonsiiyaa ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka gasha tartankaas, waxaana ardaydaasi afur iyo casho sharaf loogu sameeyaa qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq


Loading...
Loading...