Faisa Faarax Jiif Caaqil Suusle Oo Tacsi Udirtay Ehelkii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf
FaisaFaarax Jiif Caaqil Suusle ayaa tacsi udirtayqoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ku magacdheeraa (Cabdi-waraabe) oo ku geeriyooday Hospital ka Hargaysa International Hospital..
Faisa ayaa marxuumka ku sifeysay oday tusaale fiicana u ahaa dhammaan hal-doorka Somaliland, tan iyo maalintii uu kaalin qaadayna waxa lagu yaqaanay ayay tidhi diin jacayl, dad ururin iyo daacadnimo, wuxuuna caan ku ahaa nabadda iyo isu keenida bulshada.
Faisaoo la soo xidhiidhay shabakada Hadhwanaagnews ayaa Sheegtay in sidoo kale Marxuum xaaji Cabdikariim xuseen Yuusuf, uu ahaa oday halgan adag u soo galay aas-aaska Somaliland wuxuuna ka mid ahaa waayeelkii tirada yaraa ee u guntaday nabadeynta iyo dawlad dhiskii qaranka.
Faisa Faarax Jiif Caaqil Suusle ayaa ugu dambayntii ilaahay uga bariday marxuumka inuu janadii Fardawsa geeyo ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxayna Samir iyo Iimaan kasiiyo. Aamiin Aamiin