Doorashadaan Ku Diirsaday, Daldaloolna Wuu Jiray, Duudsi Dumarka Laga Galay.Egay.

0
Sunday June 06, 2021 - 09:22:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashadaan Ku Diirsaday, Daldaloolna Wuu Jiray, Duudsi Dumarka Laga Galay.Egay.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh. [Daljir]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh. [Daljir]

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,[A.S.C.W.R.W.B.]

TU KHAAS AHANA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

1-DOORASHADAN WACNAYDE,DUNIDIYO DADKEENUBA,DHAMAAN LOO DABALDEGAY,


Lis Dairy

INKASTOON KU DIIRSADAY,DUNIDAAN DHAMAYS NOQONE,DALDALOLA WUU JIRAY,


DUMARKEENAN LAGA TEGAY,DUMADEENA WEEYAANO,DALKA WAY KA DHIMANYIIN,


DAWLADII ISLAAMKE,ISKA DIIDI JIRAYBA,DEYRKI KA QAADO,GOLAHODI LAGU DARAY.


2-DOORKAN MAAN FILANAHAYN,DULMAR IYO SUADIYO,DAHABAY KA TEGAYAANE,


DAWLADAA MASUULKA AHE,DEGDEG INAY WASIIRIYO,DOORKOODII AY SIISOOY,


DUNIDA WAXAY U SHEEGEEN,DAAKHILKANA KA MUJAN,FULINTUN HA LAGU DARO,


DAAQADAA BANAAN XIDHA,DISTOORKEENA DIBU FURA,KUNA DARA WIXII DHIMAN.


3-DIINTII ILAAHIYO WAXYI MAAH SOO DEGAY,DADWEYNA XAQIISIYO DANAHEENI WEEYE,


DUUL SHISHEEYE MA IHIDIN,DALKA WAA U WAR HAYSAAN,DAMIIR HADDII AYDIN LEEDIN,


DADKAN AAD BEDELAYSAAN,DAACAD IYO AQOONTABA,DAR KU FIICANBAA JIRAY,


DULQAADIYO LAHAA SHARAF,OON DANAYSAN JIRINO,DADKANA ISKU WADI JIRAY.


4-DURUUS HAYDIN SIIYEEN,TALIYAYAAL DULJOOGIYO,DIIWAAN BAY IDIIN NOQON,


DAREERA UUN HA ODHANINA,INTA AAD DEGAYSAAN,DANAHEENA WEEYAANE,


DANYARTIYO AGOOMAHA,NACNACI DAADGURAYN JIRAY,GARYAANKII DOODAHA,


GOLUHU UGA DANBAYN JIRAY,REER BERBERANA DIIDEEN,DAACADNIMADA AWGEED.


5-DUUNYO IYO KA DHAQN MAALEE,UBADKOODI DAAYACAY,DANAHOOD HA RAACDAAN.


DOCKASTABA IDIIN TILMAANE,NALOOMA DIGIN HA ODHANINA,DARKA GOORTA JIIDHAN,


DURBAAN WUU DHAMAADAYE,WAXAY DIINTU NECEB TAHAY,DABAALDEGA HA YEELINA.


DIIFTII OLALAHA DAALKII KA MAYDHO,DUCAYSTOO FADHIISTO,DALKA BUUQ HA GELININA.


ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH. [DALJIR]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...