Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Talaabada Kenya Ku Joojisay Duulimaadyadii U Dhaxeeyey Muqdisho Iyo Nairobi?

0
Friday May 10, 2019 - 22:40:56 in News by
  • Visits: 2718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Talaabada Kenya Ku Joojisay Duulimaadyadii U Dhaxeeyey Muqdisho Iyo Nairobi?

    Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Talaabada Kenya Ku Joojisay Duulimaadyadii U Dhaxeeyey Muqdisho Iyo Nairobi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Talaabada Kenya Ku Joojisay Duulimaadyadii U Dhaxeeyey Muqdisho Iyo Nairobi?


Muqdisho(HWN):-Dawlada Federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka ay dawlada Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee u kala baxayey Muqdisho Iyo Nairobi.

Image result for wasiirka gaadiidka iyo duulista soomaaliya maxamed cabdilaahi salaad


Wasiirka gaadiidka iyo duulista soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Salaad Oomaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dawlada Kenya ay ku soo wargelisay go’aanka ay gaadhay, waxaanu sheegay inay la socdeen.


Wasiir Oomaar ayaa sheegay in go’aanka ay qaadatay dawlada Kenya ay ku wargeliyeen shirkadaha diyaaradaha ee isticmaala garoonka Muqdisho isaga oo xusay in go’aanka dawlada Nairobi uu hirgeliyo wixii ka dambeeya 10-ka May.


Wasiirka gaadiidka iyo duulista soomaaliya ayaa sheegay inay wada hadal la furi doonaan dawlada Kenya waxaanu yidhi "Marka aanu hubsano ee aanu daraasayno waxyaabaha sababay iyo ujeedooyinka ka dambeeya go’aanka ay dawlada Kenya gaadhay iyo waxa ay naga rabto ayaa wada hadalkayagu furmi doonaan oo aanu go’aan ka gaadhi doonaa arintan.”ayuu yidhi wasiir Oomaar la hadlay VOA.


Ku hakashadda Wajeer oo uu hindisay madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki sannadkii 2006dii ayaa waxaa hirgeliyey ciidanka booliska iyo cirka ee waddanka Kenya, Inta ay ku sugan yihiin rakaabka Soomaaliya ka imaanaya Wajeer waxaa laga soo dejiyaa diyaaradda si xafiiska socdaalka uu u hubiyo wax walba oo ay wataan, balse Soomaaliya iyo Kenya ayaa bishii March ee sannadkii 2017kii ku heshiiyey in dib loo billaabo duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo meesha ka saartay muddo toban sanno ah oo lagu hakanayey Wajeer.


Tan iyo markii dib loo billaabay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi - garoonka Wajeer waxa uu khasaaray 19 kun oo doollarka Marekanka ah,sida ku cad warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Naition.

Loading...
Loading...