Loollanka Shirguddoonka Wakiillada Oo Ka Dhex Istaadhmay Xisbiyadda WADDANI Iyo KULMIYE!

0
Friday June 04, 2021 - 20:09:52 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loollanka Shirguddoonka Wakiillada Oo Ka Dhex Istaadhmay Xisbiyadda WADDANI Iyo KULMIYE!

    Loollanka Shirguddoonka Wakiillada Oo Ka Dhex Istaadhmay Xisbiyadda WADDANI Iyo KULMIYE!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Loollanka Shirguddoonka Wakiillada Oo Ka Dhex Istaadhmay Xisbiyadda WADDANI Iyo KULMIYE!


Hargeisa(HWN):-Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa loollan adagi u dhaxeeyaa, kadib markii ay kurraastii ay u tartamayeen ay ku guulaysteen Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Ahmed iyo Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon),kuwaasoo ku hirdamaaya qabashadda Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland.



Labadda Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE ayaa mid waliba dhankiisa dedaal xooggan ugu jiraa hanashadda Kursiga ugu sarreeya golaha Wakiillada Somaliland, iyaddoo labadan Xubnood ee u tartamayaa ay ka soo wada jeeddaan deegaanka gobolka Sool ee Somaliland.

Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu qarankan ugu fadhiyaa muhiim balaadhan, waxaanna dusha u saarran Xil culus oo haddii sida uu yahay ay u gutaan uu qarankani horumar ku talaabsannaayo. Sidoo kalenna, saddexdda dhadhaar ee dawladnimaddeenu waa qaybta ugu muhiimsani waa xeer-dejinta, siddaa awgeed ayaa dadka ku xeel-dheer arrimaha siyaasaddu waxay tilmaamayaan inaanay qurux yeelanayn haddii uu Xisbiga KULMIYE uu ku qabto Kursiga guddoomiyaha golaha Wakiillada, taasoo ay ku sababaynayaan in Waaxdii fullinta oo Xukuumadda ah iyo Waaxdii Xeer-dejinta haddii uu Xisbi kaliya ay gacanta u gasho ay taasi halis gelinayso masiirkii ummadda reer Somaliland, waxaanna meesha ka baxaysa dheelitirkii Hay'addaha distooriga ah, markaa si loo helo cid la xisaabtanta Xukuumadda waa in Waaxda xeer-dejinta ama Shirguddoonka golaha Wakiillada ay hoggaamintiisa yeeshaan Xisbiyadda mucaaridka, iyaddoo uu hadda ugu cad-cad yahay Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Ahmed oo ah guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI.

Hase-yeeshee loolanka adag ee u dhaxeeya labadda Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE waxa doorka ugu wayn qaaddannaaya Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo Ciyaarta ku soo kordhinnaaya xiiso iyo xamaasad, waxaanna hubbaal ah haddii ay is garabsaddaan Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI inay aqlabiyadda golaha Wakiillada noqonnayaan, isla markaanna ay Shirguddoonka golaha Wakiillada ku guulaysan doonnaan, balse haddii guddoomiye Faysal Cali Waraabe ay gacanta isku dhiibaan Muuse Biixi waxa cad in Xisbiga WADDANI lagaga guulaysan karro tartanka uu ugu jiro Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, lama saaddaalin karro sida dhab ahaan ay wax noqonnayaan iyo cidda halabsanaysa guddoonka golaha Wakiillada, inkastoo yeekaha ciyaarta ay wax waliba ku xidhan yihiin oo dhinaca uu miisaanka u badiyaa uu guulaysannaayo, balse yaynaan ka hor dhicinne aynu wakhtiga u dayno, haddii Alle ka yidhaahdo.

Loading...
Loading...