'' Xaaji Cabdi , Dab-Damis Mucjjiso Ahaa ''.

0
Friday May 10, 2019 - 21:03:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Xaaji Cabdi , Dab-Damis Mucjjiso Ahaa ''.

    Dabayaaqaddii sanadii 1992 , goor habeenimo ah waxaa ka dhacday Magaaladda Hargaysa dhacdo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabayaaqaddii sanadii 1992 , goor habeenimo ah waxaa ka dhacday Magaaladda Hargaysa dhacdo
naxdin badnayd oo ahayd geeridii Marxuum Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi Qani iyo dad kale , dhacdadaas oo ahayd dhul-gariir wayn oo culayskiisa lahaa .


Subaxnimadiiba waxaa dhulka qabsatay ciiro madow , dadku wuu kala shakiyey , wadnaha ayaana farta lagaga hayay in dhacdadaasi horseedo colaad sokeeyo oo laggu hoobto .



Iyaddoo arrinti meel adag marayso , ayaa waxaa kusoo biiray warar sheegayay in la damcay in Marxuumka (Suldaanka ) loo qaado meel kale oo aan Hargaysa laggu aasin , arrintaasina cabdisii jirtay ayay cirka ku shareertay .


Iyadoo Xaalku heerkaa marayo ayuu Xaaji Cabdi soo kacay , isagoo aan hareeraha eegin ayaanu Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ugu tagay gurigiisa waanu soo qaaday , ka dibna wuxuu tagay halkii maydka Suldaanku yaalay , waxaanu yidhi '' Suldaanku suldankayagii buu ahaa , anaga ayaanu naga naga dhintay oo aasanayna meela loo qaadi maayo ''.


Taladaa Xaaji Cabdina waa la isla qaatay , isla maalintaas ayaana Suldaankii Hargaysa laggu aasay , suldaankii badalanayna la caleemo saaray , Weli waxaan xasuustaa sidii dareenkii kacsanaa markiiba isu badalay iyo qiiradii suldaanka cusub laggu caleemo saaray , iyo waliba halku dhigii ahaa , Ka naxoow nafta waa ee dadku ku tiraabayeen .


Xaaji Cabdi wuxuu ahaa dab-demis mucjiso ah , bakhtiinta foolkaanayaasha colaadeed ku xeel dheer

W/Q: Axmed Nuur Guruuje
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...