Mona Lisa 'The Mystery of Muna Liza's smile'
Muna lisa waa sawir gacmeed haaf ah oo gabar ku sawirantahay isla markaana uu sawirey farshaxamistihi caanka ahaa ee reer Taliyaani Leonardo da Vinci. Farshaxankani waxa uu ku sifoobay oo uu noqday farshaxankii ugu caansanaa, ugu booqashada badnaa, ugu faallaynta badnaa uguna curinta badnaa aduunka Waana sawir farshaxan ah midka ugu qaalisan dunida lacagta lagu qiimeyana waa in ka badan hal billion oo dollar 1b!
Farshaxanka Waa Lisa Gherardini oo ahayd xaaskii Francesco Del Diocondo. Farshaxanka Waxa la sawiray intii u dhaxaysay 1503 illaa 1506. Farshaxankani wuxuu markii hore ahaa hantidii boqorkii faransiiska ee Francis I maanta se wuxuu ka mid yahay hantida dawladda Faransiiska wuxuuna si rasmi ah u yaallaa madxafka Louvre oo ku yaalla magaalada Paris tan iyo 1797-kii.
Leonardo wuxuu shaqadiisa sii waday farshaxankan ilaa 1517kii xiligaas uu si rasmi ah usoo gaba gabeeyey waliba in uu sawiro bishimaha mona lisa kaliya ay kuqaadatay 12sano xiligaas oo ahayd kudhowad 6 boqol oo sano kahor waliba xili aan jirin hormar baahsan & technologiyada casriga ah sida hada wax loo sawiro!
Cilmibaadhayaal tiro badan ayaa baaray waxna ka qoray sababta sawirkani sidan oo dhan caan ugu noqday. Waxa kale oo dadka farshaxanka Aqoonta iyo khibradda dheeraadkaa u lihii falanqeeyeen qaabka iyo hababka farsamo Sawir ee farshaxamiistihii sawirkani adeegsaday. Waxa ay qolooyinkaasi ku amaaneen saynasyahankii injineerka & farshaxamistihi Leonardo da Vinci in suurayntiisa sawireed aad u heer sarraysay. Sidoo kale waxa ay in badan la dhaceen qaabka uu wajiga gabadha, gacmaha, dharka ay xidhantahay iyo abuurta ka danbaysa u sawiray.
Waxa kale oo aad loo soo hadalqaaday dhoollacaddaynta yar ee Gabadha Sawirka ka muuqataa samaynayso taas oo ay ugu magac dareen dhoollacaddayntii mucjisada ahayd. 'The Mystery of Muna Liza's smile'
W/Q/ Raam Jaane
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





