Tirinta Codadka Doorashada Somaliland Oo Socota

0
Tuesday June 01, 2021 - 13:27:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirinta Codadka Doorashada Somaliland Oo Socota

    "Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto"

Waxaa shalay si habsami leh u soo idlaaday doorashadii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee Somaliland, iyadoo dadweynuhu ay sugayaan ku dhawaaqista natiijada doorashadan.



Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee gobollada qaar, iyaga oo ku dhawaaqi doona natiijooyinka kama dambeysta ah.


Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto aqlibiyadda kuraastii loo tartamay.


Xog laga helay doorashada Somaliland ayaa sheegeysa in qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaangaliyay ay da'doodu ka yareyd 25-jir. Sidoo kale 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka 47% ay dumar ahaayeen.


Waxaa jirtay himmad xoog leh oo ka dhex jirtay codbixiyeyaasha, hase yeeshee jawigu wuxuu ahaa mid degan, howsha doorashaduna si habsami leh ayay u dhacday sida uu ku soo warramayo wariyahah VOA-da ee magaalada Hargeysa Khadar Cakulle.

Loading...
Loading...