Xogta Tirada Musharixiinta Soo Baxaya Iyo Kuwa Hadhaya Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiilada Ka Sharaxan Dhaman Gobolada Dalka Jsl 2021
Doorashada isku sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada ee ka Qabsoomi doonta Dalka oo Dhan Maalinta Isniinta ee ay bishu tahay 31/5/2021, ee ay ku tartamayaa Musharixiinta Saddex-da Xisbi Qaran ee Somaliland, KULMIYE, UCID iyo WADDANI ayaa ah Doorashadii ugu Adkayd ee Abid ka Dhacda Jamhuuriyada Somaliland.

Hadaba Sida ka Muuqata Shaxda Sare Waxaynu ku Eegi doonaa Tirada Musharixiinta Golayaasha Deeganka iyo Wakiilada ee Xisbi walba u sharaxan dhaman gobolada dalka iyo sida ay xisbiyadu u kala musharaxiin badanyihiin.
Gobolka Awadal Tirada Codbixiyaaashu waa 145,919cod bixiye oo u dhiganta 14%marka loo eego gobolada kale , dhinaca kale
goobaha codbixinta Gobolka Awdal waa 363
goobood oo u dhiganta 13%marka loo eego gobolada kale, sidoo kale tirada xildhibaanada ka
sharaxan Gobolka Awdal waa98 musharax oo u sharaxan Golayaasha Deeganka iyo39 Musharax oo u Sharaxan Golaha Wakiilada tirada Guud ee Musharixiinta
Golayaasha Deeganka iyo Wakiilada Gobolka Awdal Waa137oo u dhiganta 17 %marka loo eego Gobolada kale. Dhinaca kale Tirada
Musharixiinta Ka soo bixi doonta Gobolka Awdal oo ka Kooban Saylac,Lughaya, Boram iyo Bakiay noqon doonto 40 xildhibaan oo Golaha deegaan ka ahi iyo 13
xildhibaan oo Golaha Wakiilada ah
tirada Musharixiinta hadhi doona golaha Deegaanka tiradoodu waa 58Musharax iyo 26 Musharax oo Golaha Wakiilada wadarta guud
Musharixiinta hadhi doona Gobolka Awdal waa 84 Musharax
Gobolka Maroodi-Jeex Tirada Codbixiyaaashu waa400,379oo u dhiganta 38%marka loo eego gobolada kale cod bixiye, dhinaca kale goobaha codbixinta Gobolka Maroodi-Jeex waa 971 goobood oo u dhiganta 36%sidoo kale tirada xildhibaanada ka sharaxan Gobolka Maroodi-Jeex waa 142 musharax oo u sharaxan Golayaasha Deeganka iyo60 Musharax oo u Sharaxan Golaha Wakiilada tirada Guud ee Musharixiinta Golayaasha Deeganka iyo Wakiilada Gobolka Maroodi-Jeex Waa 202 oo u dhiganta 26%marka loo eego Gobolada kale.Dhinaca kale Tirada Musharixiinta Ka soo bixi doonta Gobolka Maroodi-Jeex oo ka Kooban Gabiley,Hargeisa, Baligubadle iyo Salaxleyay noqon doonto 48 xildhibaan oo Golaha deegaan ka ahi iyo 20 xildhibaan oo Golaha Wakiilada ah tirada Musharixiinta hadhi doona golaha Deegaanka tiradoodu waa 94Musharax iyo 40 Musharax oo Golaha Wakiilada wadarta guud Musharixiinta hadhi doona Gobolka Maroodi-Jeex waa 134Musharax
Gobolka Saaxil Tirada Codbixiyaaashu waa98,503oo u dhiganta 9%marka loo eego gobolada kale cod bixiye, dhinaca kale goobaha codbixinta Gobolka Saaxil waa 240 goobood oo u dhiganta 9%sidoo kale tirada xildhibaanada ka sharaxan Gobolka Saaxil waa 57 musharax oo u sharaxan Golayaasha Deeganka iyo 30 Musharax oo u Sharaxan Golaha Wakiilada tirada Guud ee Musharixiinta Golayaasha Deeganka iyo Wakiilada Gobolka Saaxil Waa 87 oo u dhiganta 11%marka loo eego Gobolada kale. Dhinaca kale Tirada Musharixiinta Ka soo bixi doonta Gobolka Saaxil oo ka Kooban Berbera iyo Sheekhay noqon doonto 22 xildhibaan oo Golaha deegaan ka ahi iyo 10 xildhibaan oo Golaha Wakiilada ah tirada Musharixiinta hadhi doona golaha Deegaanka tiradoodu waa 26 Musharax iyo 20 Musharax oo Golaha Wakiilada wadarta guud Musharixiinta hadhi doona Gobolka Saaxil waa 84Musharax
Gobolka Togdheer Tirada Codbixiyaaashu waa205,591cod bixiye oo u dhiganta 19%marka loo eego gobolada kale,dhinaca kale goobaha codbixinta Gobolka Togdheer waa510 goobood oo u dhiganta 19% sidoo kale tirada xildhibaanada ka sharaxan Gobolka Togdheer waa 84 musharax oo u sharaxan Golayaasha Deeganka iyo 45 Musharax oo u Sharaxan Golaha Wakiilada tirada Guud ee Musharixiinta Golayaasha Deeganka iyo Wakiilada Gobolka Togdheer Waa 129 oo u dhiganta 16%marka loo eego Gobolada kale. Dhinaca kale Tirada Musharixiinta Ka soo bixi doonta Gobolka Togdheer oo ka Kooban Burco, Oodweyne iyo Buuhoodle ay noqon doonto 31 xildhibaan oo Golaha deegaan ka ahi iyo 15 xildhibaan oo Golaha Wakiilada ah tirada Musharixiinta hadhi doona golaha Deegaanka tiradoodu waa 53Musharax iyo 30 Musharax oo Golaha Wakiilada wadarta guud Musharixiinta hadhi doona Gobolka Togdheer waa 83 Musharax
Gobolka Sool Tirada Codbixiyaaashu waa103,832cod bixiye oo u dhiganta 10%marka loo eego gobolada kale,dhinaca kale goobaha codbixinta Gobolka Sool waa 299 goobood oo u dhiganta 11% sidoo kale tirada xildhibaanada ka sharaxan Gobolka Sool waa 85 musharax oo u sharaxan Golayaasha Deeganka iyo 36 Musharax oo u Sharaxan Golaha Wakiilada tirada Guud ee Musharixiinta Golayaasha Deeganka iyo Wakiilada Gobolka Sool Waa 121 oo u dhiganta 15%marka loo eego Gobolada kale. Dhinaca kale Tirada Musharixiinta Ka soo bixi doonta Gobolka Sool oo ka Kooban Caynabo,Laas-caanood, Xudun iyo Taleex ay noqon doonto 31 xildhibaan oo Golaha deegaan ka ahi iyo 12 xildhibaan oo Golaha Wakiilada ah tirada Musharixiinta hadhi doona golaha Deegaanka tiradoodu waa 54Musharax iyo 24 Musharax oo Golaha Wakiilada wadarta guud Musharixiinta hadhi doona Gobolka Sool waa 78 Musharax
Gobolka Sanaag Tirada Codbixiyaaashu waa111,623 cod bixiye oo u dhiganta 10%marka loo eego gobolada kale,dhinaca kale goobaha codbixinta Gobolka Sanaag waa 326 goobood oo u dhiganta 12% sidoo kale tirada xildhibaanada ka sharaxan Gobolka Sanaag waa 86 musharax oo u sharaxan Golayaasha Deeganka iyo 36 Musharax oo u Sharaxan Golaha Wakiilada tirada Guud ee Musharixiinta Golayaasha Deeganka iyo Wakiilada Gobolka Sanaag Waa 122 oo u dhiganta 16 %marka loo eego Gobolada kale.Dhinaca kale Tirada Musharixiinta Ka soo bixi doonta Gobolka Sanaag oo ka Kooban Garadag, Ceel-Afweyn, Ceeri-Gaabo, Badhan iyo Dhahar ay noqon doonto 27 xildhibaan oo Golaha deegaan ka ahi iyo 12 xildhibaan oo Golaha Wakiilada ah tirada Musharixiinta hadhi doona golaha Deegaanka tiradoodu waa 59 Musharax iyo 24 Musharax oo Golaha Wakiilada wadarta guud Musharixiinta hadhi doona Gobolka Sanaag waa 83Musharax
Dhinaca kale Tirada Musharixiinta Xisbiga Ucid ee Golayaasha Deegaanka Waa 147 Musharax, Halka Tirada Musharixiinta Golaha Wakiilada tiradoodu ay dhantahay 82 MusharaxWadar Guud Mushariixinta Xisbiga Ucid Waa 159 Musharax oo u dhiganta 23%marka loo eego Musharixiinta xisbiyada kale.
Sidoo kale Tirada Musharixiinta Xisbiga Kulmiye ee Golayaasha Deegaanka Waa 190 Musharax, halka Musharixiinta Golaha Wakiilada tiradoodu ay dhantahay 82 MusharaxWadar Guud Mushariixinta Xisbiga Kulmiye Waa 272 Musharax oo u dhiganta 39%marka loo eego Musharixiinta xisbiyada kale.
Halka Tirada Musharixiinta Xisbiga Wadani ee Golayaasha Deegaanka Waa 185 Musharax, halka Musharixiinta Golaha Wakiilada tiradoodu ay dhantahay 82 MusharaxWadar Guud Mushariixinta Xisbiga Wadani Waa 272 Musharax oo u dhiganta 38%marka loo eego Musharixiinta xisbiyada kale.
Geesta kale Tirada shaqaalaha
koomishanka doorashooyinka ee ka shaqayn doona Doorashada isku sidkan ee
Golayaasha Deegaanka iyo baarlamaan ka tiradoodu waa 10,836 Shaqaale, halka shaqaalah Muraaqibiinta xisbiyadu
tiradoodu dhantahay 8,127 Muraaqib,Sidoo kale kormeerayaasha
muxaliaga ah iyo kuwa calamiga ah ee ka shaqaynaya tiradoodu dhantahay 832 kormeere oo gudaha iyo boqol iyo dheeraad kormeere
calami ah Dhinaca Kale Waxaa Goobaha
codbixinta ka Shaqayn doonta askarta Amaanka Sugaysa dhaman Gobolada dalka oo
ay tiradoodu Dhantahay 8,127 Askri.
Ugu Danbayn Waxan Hamblyo Iyo Bogaadin U dirayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo Si Xilkasnimo iyo Waayo Aragnimo ku dheehantahay Shaqada U Wada, Waxaan Leeyahay Alle Hadiin Fudaydiyo Shaqada Adag ee Aad Qaranka U Haysaan.
Alif kow ku qaloocday
mar horaan ka afeeftay
inaan guushu ahaynoo
Badiyaaba Waa Bahdeen
Lasoco Qayta Danbe Saadaasha Hordhaca ah Ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada.
By Mohamed Abdirahman Hussein (Xato)
E-mail_ [email protected]
Tel_0634072688
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





