Afrikaay Hurudo : By Abdirashid Osman
marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bulshda afka somaliga ku hadasha
meel kasta oo ay joogaan mudanayaal iyo marwooyinba ,waxaan
kaloo salaamayaa bahda saxaafada xortaa .
illaahay subxaanahu watacaalaa bini aadamka wuxuu u
abuuray cibaadadiisa iyo inay koonkan camiraan waxaa kaloo uu illaahay
ibni aadamka ka fadilay makhluuqaadkiisa kale ee uu abuuray isagoo
caqliga kaga fadilay ,hadaba markay sidaatahay si uu bini aadamku u
camiro oo ugu tarmo koonkan marxalado badan ayuu soo maray oo marba uu
talaabo soo qaadayey wuxuu u baahdoo kale inuu helo asaasiyaad si uu
unoolaado ka caawiya sida cunto,biyo ,isgaadhsiin ,tacliin ama
aqoon,caafimaad,laydh ama iftiin iyo qaar kaloo badan ,waxaynu kaloo
ogsoonahay inaanu intaaba markeliya wada helin ee uu marba qayb helayey .
waxaan hordhacaa yar ee kooban uga socdaa halka ay marayso
heerka nolosha bulshada somalida si caama ,si gaarana bulshada
somaliland ku nool waxaynu ogsoonahay inaynu ku naalo qaarad hodana oo
hadana dadkeedu sabool u badanyihiin asbaabuhu way badanyiin waxaanse ka
soo qaadanayaa yadoo hadana dowlad waliba sababaheedu u sii gaaryihiin
lakiin hadana inbadan bay kasimanyihiin shucuubta qaarada afrika waana
kuwan:
1- jahliga : jahligu waa mid aynu kala simanahay dadka
qaaradan kunool lakiinse marka qolo waliba hoos isugu noqoto dadka
afsomaliga ku hadlaa way kasii xag jiraan oo marka boqol kiiba la eego
waa mid aad u saraysa inkastoo aad moodo iminka inay sidii hore dhaanto
,markaan iminka diirada yara saaro waxaa somaliland iiga muuqda koboc
xagaa waxbarashada oo aad u fiican khaasatan dhalinyarada taa waxaa
dhiiri geliyey xukuumadihii kala danbeeyey waxaa kaloo qayb wayn ka
qaatay nabad gelyada dalka sidaynu ogsoonahayna somaliland waa dal
nabada iminka mudo aad ubadan taasina waxay dhalisay in qoysaskii
dhalintoodii u diraan iskuulada oo shay dabiiciya maadaama ay nabadu
utahay horumarwalba asaas.,waxaa kaloo mid aad loo xusa kaalinta
tacliinta gaarka looleeyhay oo ah mid runtii hadaytahay iskuul iyo
jaamacadoba qayb wayn oo laxaadle ka tartay horumarka tacliinta .
2-Nabadarada: nabadu waa asaaska waxwaloo horumara oo bini
aadam ubaahdo qowlka odhanaya nololi jirimayso hadaan nabadi jirina
runtii waa mid saxa oo dhaba ,waxaynu ogsoonahay qaarada afrika waxaa
had iyo jeer ka jirta meelo badan xasiloonidaro ay sababaan dagaalo iyo
isku dhac had iyo jeer dhaliya barakacayaal taasina waa ku lidi
horumarka shucuubta .
3-Deganaansho la,aanta siyaasadeed :waa mid runtii aafa oo
ku habsatay qaradaa waxaa lagu tilmaamaa qaarada inqilaabka iyo
digteetarnimada ama kelitalisnimada taasina waxay had iyo jeer sababtaa
isku dhacyo iyo abuur jabhado taasoo aakhirka ku danbaysa dagaalo
,alxamdulilaah somaliland qodobkaa isla markiiba way ka gudubtay waxaana
salka loodhigay hab dimuquraadiyadeed oo runtii ay majeertaan iminka
shucuubta iyo xukuumadaha afrika .
4- dhaqaale yari: dhaqaaluhu iminka waa hubka casriga ee
aduunka iminka bari iyo galbeed loo beretamo, dowladuhu siday u kala
dhaqaale badanyihiin iyo wax soosaar bay u kala quwad badanyiin
miisaankii iminka badnaanta iyo anaa kaa hub badan waa la dhaafay iminka
waxaa laysugu hanjabaa waa dhaqaalaha taasoo loo beratamo halka
dhaqaale laga helilahaa iyo dakhli umadaha horuumaray waxay ku faanaan
dakhliga mujtamacaadka ee fardi kasta ku soo hagaagi karta waxaan
filayaa somali halkaa wax laxuso maaha .
5-Kartida iyo tacabka : waa mas,alad muhiima mujtamacu
hadaanu isagu marka hore u dhalan karti oo isdirin horumar badan
magaadho markuu qofku isdiro oo tacab u dhaqaaqo iyo dhaqasho ayuu midha
dhal sameeyaa lakiin yaduna waxaa muhiima waa inoo helo nidaam iyo
xukun rashiida oo u kala habeeya howlihiisa iyo halkuu wax ka
bilaabilahaa iyo siday baahiyihiisu ukala muhiimsanyihiin ,hadaynunahay
somali tacabka umaynu dhalanba ra,yigayga siiba reer somaliland hadaan
diirada sii saaro waa dad hadal badan oo ficil yar tacabkiyo kartidana
ka saboola iminka dalka markaad indha indhayso aad bay u yartahay inaad
ku aragto silcad dadka dalka udhashay ay soo saareen noocay doontaba
hanoqotee ,mujtamacaadka kale waxay layimadaan fikrado ay shaqo abuur ku
samaystaan markaasanay doonaan cidii u fududaynlayd ama yagaaba wax
isku biiriya somaliduse inay fadhiga ku dheregtay wada doonaan.
6-Curin: manihin umad wax curisa qodobkana waxaan u arkaa
kuwa inoo gaarka somali ahaan dad maskaxdooda ka shaqaysiiya manihin
waxaynunahay bulsho maskaxdooda caajiska baray oo fadhiida dad
baynunahay yaraysta waxa yaree waxtara inay bilaabaan si ay u kobciyaan
oo wax wayn u noqoto keena wax bartay iyo ka jaahilkii waa isku mustawe
mararka qaarkood oo kalaba saari maysid ,jaamacadahenu malaha dhiiri
gelin mana sameeyaan cilmi baadhis ku abuura ardayga faduul curineed.
Guntii iyo gabagabadii waxaan biyo dhac uga dhigayaa
maqaalkaygan kooban markaan arkay mujtamaca somaliland heerkuu ka
taaganyahay nolosha iyo baahiyihiisa asaasiga si uu u camiro aduunkan
Inta uu kaga noolyahay in wax badani ka dhimanyihiin oo daruuriyaadka
noloshiisi ,asbaabahaa aan soo sheegay iyo kuwa kaloo badaniba way inagu
gadaamanyiin qaarna waxbadan kamaynu faaiidin ,hadaanse somaliland
sigaara uga hadlo waxaan odhankaraa labada qodob ee aan doonayo inaan
bulshada aad ugu dhiirigeliyaa waa qodobada( kartida iyo tacabka
,curinta) labadaasiba waa daruurihadaynaan isdirin oo tacban oo
nolosheena wax inoo faaiidale mustaqbalkeena iyo xaadirkaba kusoo
kordhin halkeenaa ka gudbi mayno dhalinyarada mujtamaceena waxaa lagu
qiyaasaa 70% waa xoogii dalka waa maskax cusub oo u baahan in laga
shaqaysiiyo intaasiba maanta fadhiidbay u badanyihiin weli ma arag meel
arday jaamiciyi ka leeyahay ama ku soo bandhigo wax uu mujtamaciisa ku
soo kotdhiyey hadii laga tegiwaayo waa fara ku tiris ,innta badan shaqo
la,aanbay ka cowdaan shaqadiina maskaxdooday ku jirtaa waa ayaandaro
runtii caalamka waxaa laysku dhaafay waa fikir iyo curin inana mid yar
iyo midwayn waxaynu ka sheekeenaynaa reer hebel iyo reer hebel , katoosa
hurdada oo heeryada caajiska tuura bulshow .
abdirashid osman
dubai
00971506972985
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...