Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 5aad
Cunnida timirtu waxay faa’ido togan oo taam ah u leedahay odayaasha. Waxay si deg-deg ah u daajisaa muruqyadooda, yadoo sahasha in si fudud muruqyadoodu u kala baxaan; isuguna soo ururaan. ( Muscle relaxation and contraction). Firfircooni xad-dhaaf ah ayuu dareemaa gadh-caska guri jooga ah; talo laga sugeenka ah.
Faa’idada koritaanka caruurta ay u leedahay timirtu: Koritaan deg-deg ah ayay bilaabaan caruurta cunta timirta. Faytamiin A da ku jirtaa wuxuu dardar galiyaa aragga caruurta. Waxa ay timirtu muhiim u tahay sida oo kale hooyada kolka ay leedahay uurka. Timirtu muddadan waxay hoos u dhigtaa werwerka, walaaca iyo walbahaarka soo waajaha hooyada. Kolkay umusho laftigeeda kama maaranto hooyadu.
Afurinta qof sooman ajar ma leedahay?
In aad afuriso qof sooman oo aad cabbitaan iyo cunto siiso waxa ku jira abaal marin aad u weyn, waana arrin Rasuulku CSW dadka ku booriyey kuna dhiirigaliyey.
Rasuulka CSW waxa ka sugan in uu yidhi, "Qofka afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka qofkuu afuriyey.” Culimadu way ka hadleen oo waxay yidhaadhdeen ajarka qofka sooman ee la afuriyey laga qaadi maaye ajar kaas oo kale ayaa la siinaya kan wax afuriyey. Sidaa darteed waa mihim in haddii awood loo leeyahay lagu dedaalo in la afuriyo dadka aan waxba haysan, qofka la afuriyeyna farxad ayey u tahay ka wax afuriyeyna ajar wayn ayaa ugu sugan.
Ma soomayaan haweenayda uurka leh iyo midda ilmaha yar jaqsiinaysaa?
Haweenayda uurka leh iyo ta ilmaha jaqsiinaysaa cafimaad ahaan ayaa loo yidhi hayska cunaan, waxa loo danaynayaa ilmaha uurka ku jiraa ama ilmaha ay jaqsiinayso ama iyada qudheeda oo laga ilaalinayo caafimaad ahaan inay is dhinto.
Sida daraadeed ayaa la yidhi yaanay soomin ee hayska cunaan, se waxa u furan laba mid; inay soo qallayso intii ka tagtay ee Ramadaan ah, waana ta ugu wanaagsan ee ay waajibka isaga ridayso, taasanay culimo badani ku tagsan yihiin oo ay leeyihiin waa waajib. Midda labaad; culimada qaar waxa ay yidhaahdaan haddii aanay karayn in ay soo qallayso dad bay afurin kartaa ama sadaqo ayey bixinaysaa sida qofkii gabowgu hayey iyo kii xanuunsanayey oo kale, mid se ogow waxa ka xoog badan in la soo qalleeyo.
Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub
Email: [email protected]
Tell: 063 440 85 03. 97 08 515
SheekhRakuub.wordpress.com
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!