Guddiga Doorashooyinku Maxay Ka Yidhaahdeen Inaanay Codbixintu Ka Dhicin Sanaag Barri?

0
Tuesday June 01, 2021 - 08:24:05 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashooyinku Maxay Ka Yidhaahdeen Inaanay Codbixintu Ka Dhicin Sanaag Barri?

    Guddiga Doorashooyinku Maxay Ka Yidhaahdeen Inaanay Codbixintu Ka Dhicin Sanaag Barri?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Doorashooyinku Maxay Ka Yidhaahdeen Inaanay Codbixintu Ka Dhicin Sanaag Barri?


Hargeisa(HWN):-Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa beenniyay warar ka soo baxay Maamul gobolleedka Puntland oo sheegay inaanay codbixinta doorashooyinka goleyaasha Wakiilladda iyo Deegaanka ee Somaliland aanay ka dhicin deegaanno ka tirsan Barriga gobollada Sanaag.


Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa waxba kama jiraan iyo warar ku tiri ku teen ah ku tilmaamay arrintaasi, isla markaana ay codbixinta doorashadu ay ka dhacday dhammaanba goobihii ay hore u qorsheeyeen ee gobollada iyo degmooyinka dalkoo dhan.

Waxaanu sheegay in guud ahaanba dalkoo dhan ay si nabad-gelyo ah ku dhacday codbixintu. Waxaanu yidhi, "Waxba kama jiraan. Warkaasi waa ku-tiri-ku-teen. Hal meel oo Ceel-Hub la yidhaahdo, oo codayntu ka bilaabantay laakiin, maalinta badhtankeedii ay istaagtay baa jirta.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Cabdirashiid Riyo Raac

Meeshaana dhibaato kalena kama dhicin, wax kalena kama dhicin. Laba nin oo murashaxiin ah, oo ku tartamayay ayaa khilaaf iyo hawli ka dhex dhacday. Iyagana hadda xalkeedii baa la waddaa. Waanay dhamaatay hawsheedii. Waxa kale ee laguu sheegay ama aad hayso, waxba kama jiraan”.

Cabdirashiid Riyo-raac, waxa kaloo uu ka warbixiyay in codbixintu u dhacday sidii ay filayeen, isla markaana aanay jirin wax caqabad ah oo ka hor timid. "Sidii aanu filaynay iyo si ka sii wanaagsan ayay u dhacday. Waxaan u mahad naqaynaa shacabka reer Somaliland ee u bislaaday doorashooyinka. Dhamaanba si nabadgeliyo ah ayay dalka uga socotaa.

Hal caqabad ah, oo naga hor timid, oo aan sheegi karaa ma jirto. ILLAAHAY SWT ayaanu ugu mahad naqaynaa. Dhamaan hawluhu si wanaagsan bay noogu socdeen, si wanaagsan baanay noogu dhaceen.

Abaalkaana dadkii nala shaqaynayay iyo jaamacadaha iyo ciidamadda, dhamaanba Somaliland xukuumadda iyo xisbiyada, mahadaasi waanu u celinaynaa. Wax caqabad ah, oo aanu maanta sheegno, oo dhib ah, oo nagu yimid ma jiraan” ayuu yidhi Cabdirashiid Riyo-raac, oo u waramay idaacadda BBC.

Dhinaca kale, guddoomiyaha ayaa ka hadlay dadka codaynaayay oo qaarkood goobaha magacyadoodda laga waayay, taasoo uu sheegay inay xaliyeen.
Waxaanu yidhi, "Ma jirto adeeroow. Wax alla wax ka jiraa ma jiraan. Anigaa soo wada maray goobaha. Dhibaatadu waxa weeye, dadka iyo goobahoodii ayaa is waayay. Intii badnayd na waan saxnay, xarunta dhexe ee komishanka ayaana laga saxay dadkaa, qof waliba goobtiisii ayaa loo tilmaamay, 
Qof kaadh sita oo la waayayaa ma jiro.

Laakiin, dhibtu waxa weeye dadka dad badan baan waxba akhriyin, goobaha qaarna markii codkii batay ayaa la balaadhiyay, oo goobtiiba waxay noqotay shan goobood. Guryo kala durugsan baa la kireeyay, markaa waxaa laga yaabaa in qofkii halkii uu tago, kadibna goobtii saxda ahayd aanu helin.

Qof kaadh sita oo aanu codkiisii meel oolini ma jirto. Hawshaana waa la xaliyay, dadkaana goobahoodii ay ka codayn lahaayeen baa loo sheegay. saddex kun oo goobood bay dalka ka dhacaysaa codayntu, xarun dhexe (call center) ayaa jira, halkaas ayaana lagu xalinayaa”.

Loading...
Loading...