Murugada iyo saameynteeda.

0
Monday May 31, 2021 - 15:51:23 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murugada iyo saameynteeda.

    Halkaan waxa aan kusoo bandhigaayaa saddex siyaabo oo kala duwan oo ay dadku uga falceliyaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkaan waxa aan kusoo bandhigaayaa saddex siyaabo oo kala duwan oo ay dadku uga falceliyaan



Murugada iyo welwelka waxa ay qeyb kayihiin waxyabaha nolosha macaankeeda dila qofkana farxad tira, kuma xirna in qofku faqiir yahay iyo inuu taajir yahay waa wax ay dadku uwada simanyahiin balse qofba si ay u saameeyso.

Halkaan waxa aan kusoo bandhigaayaa saddex siyaabo oo kala duwan oo ay dadku uga falceliyaan marka ay dhibaato soo wajahdo:

1. Dadka qaar marki ay murugo dareemaan ama ay walwalsanyihiin waa ay muujiyaan waana laga dareemaa, dadka xittaa wey usheegaan waxyaabaha lasoo gudboonaaday iyo dhibkasto oo kudhaca, waxaa laga yaabaa xitaa in ay dadka kudhahaan, "Aniga nasiib xumadaan xagey iiga timid, Maxey waxaan dhan iigu dhacaayaan" iyo wax lamid ah, kadibna iyagoo calaacal kadaalay oo farda baxay ayey dadka kale lataliyaan xaaladooduna iska degtaa waqti kadib.

2. Qaar kalana waxa ay muujiyaan farxad yaan lagaa dareemin ah, iyaga oo aan faraxsaneen uu qalbigoodu gubanaayo laakiin inta ay is adkeeyaan dadkuna ay u arkayaan in ay dhib heysanin, dadka noocaan ah saameenta uga badan ayuu kuyeeshaa walwalka, waayo ma ahan kuwa murugada heysata dadka la wadaagaan taas badalkeeda wey la aamusaanaadaan iskuna caburiyaan, waxaa laga yaabaa in ay gaaraan heer ladhaho qof hebel isagoo xaaladiisa fiican ayaan ogaa maxaa iska badelay iyo stress ayaa kudhacay.

3. Waxaa jira kuwa labadaasba kaduwan, dadka noocaan ah marki arimo culus ay heystaan ma ahan kuwa wejigooda murug ay ka muuqato mana ahan sidokale kuwo dadka kaliya farxad u muujiya niyadana ka gubta, waxa ay qalbigooda ka dhigaan inuu aqbalo dhibta kuna qancaan taas oo u suurta galineyso in niyada iyo wejigaba ay kafarxaan, ma ahan in ay ka dhibaato yar yihiin kuwa kale balse weyka qanaaco badanyihiin, dhibaatoyinka aduunyada iyo culeesyada soo wajahaanna isma raacraaciyaan, dadkaas qalbigooda raad weyn kuma reebaan dhibaatoyinka ku dhaca, waana shaqsiyaad aad u nasiib badan uu Alle siiyey sacaado.

Nolosha aduunyada waxa ugu muhiimsan ee qof heysto waa caafimaadka iyo farxadda, waxkasto oo aduunka la raadiyana si farxad loo helo ayaa loo raadiyaa iyadoo ay sidaas tahay hadane Allah bes ayaa laga helaa.



Iqra Ipra Mohamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...