Xildhibaan Ku Sheeg Yidhi 18 May Waa Maalin Madow
oo
aynu masruufaynay sodonkii sanadood ee aynu soo dhaafay in uu ku dhiirada isaga
oo waliba hargeysa jooga in uu yidhaa Maalinta inagu qaaliga ah ee 18 May waa
maalin madow waa sharaf dhac meeshii ugu hooseysay ee ay Somaliland gaadho inta
ay jirtay. Somaliland waa aynu us oo halganey dhiig badan iyo nafo badan ayey
inagu joogtaa maanta waxaynu hadhsaneynaa midhaheedii kuwii aynu iska cafiney
ee aynu nidhi nala wadaaga waxii aynu ka helay ayaa iyaga oo anynu wada joogno
ku dhiiraday in ay inaga dhex yidhaahdaan 18 May waa maalin madow . Waxaa loo
baahan yahay in dawlada ay dadkaas talaabo ka qaado . ma dhici karto in reero
yar yar oo inaga faa iiday intii Somaliland jirtay oo wax noocaas ah noola
yimaadaan .
Anigu waxaan wadanka ka dhoofay Somaliland oo aan wax ciidan ah lahayn dadkaasina aaney wax xitaa loo malayn karo waxaasi iyo wax dhow toona sheegi kareyn markaas inaga oo awoodeenu intaas ay gaadhay hadda in aynu waxaa wax iyo wax u eg laynaga dhex yidhaahdo waa sharaf daro tii ugu xumeyd .Qaar meelihii ay wax ka doonteen wax ka soo waayey ayaa maanta inala dhex jooga 18 May halagu badalo 26 juune oo ah maalin inaga khasaartay oo aan loo baahneyn xusideeda iyo soo hadal qaad keeda toona .Waa in laga dambi qofka lagu xidhi karo qofka diidan 18 May. Waa in dambi laga dhigaa kuwa SNM waxa xun ka sheegi ee waliba isaga oo joogi kari waayey meeshiisii hoteelada Hargeysa inoo dagan ee anynu bixino qarashka uu ku joogo . Dhaqaalihii Somaliland waxaa cunay oo ku raaxeysta intii necbeyd kuwii u soo dagaalamyna waa ku qatan yihiin.
Waa Mahad san tihiin
Cabdilahi Good Cilmi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!