"Dalkii Wuu Leexday Ee Waxaad Doorataan Dadka Wanaagsan.." Sh. Aadan-siiro

0
Monday May 31, 2021 - 09:15:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dalkii Wuu Leexday Ee Waxaad Doorataan Dadka Wanaagsan.." Sh. Aadan-siiro

    "Somaliland oo dhan marka la isku geeyo Dad yar baynu nahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Somaliland oo dhan marka la isku geeyo Dad yar baynu nahay"

Hargeysa (HWN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siiro) oo ka mid ah Culimada Reer Somaliland, ayaa ka hadlay doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada oo Isniinta Berri Dalka oo dhan looga dareerayo.



Sheekh Aadan-siiro oo hadal ka jeediyey kulan ka dhacay Magaalada Hargeysa, ayaa Dadweynaha u soo jeediyey inay doortaan Dadka wanaagsan, si uu dalka uga dhaco isbeddel keena horumar.


Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Doorashooyin baa innagu soo socda, meeshani waa Hargeysa oo waa halka Loolanka ugu adagi ka dhacayo, waxaan naftayda iyo Idinkaba idinku dardaarayaa inaad Dad wanaagsan doorataan.”


Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu sheegay "Somaliland oo dhan marka la isku geeyo Dad yar baynu nahay, qoys yar baynu nahay, si Isbeddel loo helo Dadka wanaagsan hala doorto. Annagu waxaanu nahay Dadka doorashada taageeray, sababta aanu u taageernayna waa ha isdilina oo sanduuqaa ku kala adkaada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Waa Fursad ee dadkiina wanaagsan ee isbeddelka keenaya (hala doorto). Dalku Caddaalad buu u baahan yahay, Dalkii wuu leexday, Leexashaduna Maamulka oo keliya maaha ee dalka gebigiisaba Dadku wuu leexday, oo Diintii, Qiyamkii iyo Akhlaaqdii waxbaa ka siya, markaa Cadaaladda ha lagu dedaalo, taasaa Dadka dhaqda oo horumarka keenta, taasaa If iyo Aakhiraba lagu Nabadgalaa.”

Loading...
Loading...