Xisbiyada Siyaada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Goobjoogayaasha Caalamiga Ah Ee Doorashada

0
Sunday May 30, 2021 - 17:00:34 in News by
  • Visits: 1182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Siyaada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Goobjoogayaasha Caalamiga Ah Ee Doorashada

    Xisbiyada Siyaada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Goobjoogayaasha Caalamiga Ah Ee Doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada Siyaada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Goobjoogayaasha Caalamiga Ah Ee Doorashada


Hargeysa(HWN):-Hoggaanka sare ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay Wefdi isugu jira Safiirro iyo Diblomaasiyiin ka socday dalalka beesha Caalamka, gaar ahaana wadamadda Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda oo dalka u yimid arrimaha doorashooyinka isku sidkan.

Weftigan ka socday saaxiibada Somaliland waxay kala yihiin Wufuud ka socotay 9 dawladood iyo 9 Danjire, kuwaas oo ay wehelinayaan Diblomaasiyiin sar sare si ay ugu kuurgalaan arrimaha doorashooyinka Somaliland ee qabsoomaya 31-ka bishan May.

Xisbiyada iyo Beesha Caalamka ayaa iska xog wareystay habsami u socodka hawlaha doorashooyinka isku sidkan, waxaana ay weftiga Beesha Caalamku tilmaameen in ay u socdaan dhiirri-gelinta Xisbiyada, is-barbar istaagga dimuqraaddiyadda Somaliland iyo la socodka sida ay u socdaan u diyaar-garowga doorashada iyo waliba sida ay u qabsoomayaan.

Dalalka Beesha Caalamka iyo Xisbiyada ayaa si weyn uga soo wada shaqeeyay sidii ay doorashadu u suurto geli lahayd, isla markaana dedaal weyn geliyay in ay Somaliland ka qabsoonto doorasho la isla wada ogol yahay oo isku sidkan.

Xubno ka tirsan Danjirayaasha oo halkaas ka hadlay ayaa si qoto dheer uga sheekeysannay habsami u socodka doorashooyinka isku sidkan, u diyaar garowga kama dambeysta ah ee socda, kaalinta dunidu ku leedahay doorashada, iyo muhiimadda ay leedahay in saaxiibada Somaliland ay u yimaaddaan dalka iyaga oo dhiirrigelin iyo garab istaag u socda.

Saddexda Xisb Qaran waxay, si wada jir ah dunida ugu caddeeyeen in doorashada qabsoomiddeeda gacmaha la isu qabsaday, si ay innoogu dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, nabad ah isla markaana inoo horseedda horumar iyo isla xisaabtan.

Waxaa Kulankaas Sadexda xisbi uga qayb galay Gudoomiye ku xigeenada 1aad iyo 2aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi dheere, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Mudane C.qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.





Loading...
Loading...