Pro. Samatar Iyo Pro Galaydh Maxay Wadaan?.
Hadaba labadan nin arinkooda sadex mid ayaa dabada ka riixaaya aniga fikirkayga.
1. In nimankan meel fog laga hagaayo waxan ay wadaana hayay filim ay bulshada u jilayaan.
2. In nimankan madaxweynuhu u carrab laalaadiyay waliba nin muhiimad weynsiinaaya iska dhigay xilliigii ololaha kabacdina albaabada ka xidhay iyaguna ay taas kaga jawaabayaan cabasho sidan u dhigan somaliland mala wada leeyahay iyo laa,laadaa vtyada ka socota.
3. In nimankani muuse ka waayeen wixii ay karabeen ama ay islahaayeen waad ka helaysaan xilligi doorashada kadibna si ay miisaan siyaasadeed oo ay hadhow asxaabta kula gorgortamaan u helaan bulshada isbarayaan.
Waa sadexdaa mid nimankan arinkoodu.
Lkn waxaa iswaydiin mudan:
Samaroon waxay leedahay madaxweyne ku xigeen kooto ugu xidhan, sidee ninka iyo deegaanka kur sigii labaad ee wadanka markasta ku fadhiyaa su,aal uga keeni karaa wada lahaan shaha meesha uu madaxda ka yahay?.
Ninka dhulbahante ee raysal baarlamaankii, wasiirkii khaariga iyo waliba wasiiro kale leh sidee isna ugu qanci la,yahay wada la,haanshaha Somaliland?, adeer maxaad rabtaa waayee?.
Xataa kursiga ugu sareeya ayaad gaydaan ee samir u yeesha oo buuqa jooja dee.
Madaxweyne muuse ragan siduu u arkaa?.
Aniga fikirkayga madaxweynuhu kuma faraxsana socodka ragan lkn muuse nindegdega maaha waa khabiir siyaasadeed waxayna ila tahay inuu isha kala socdo dhaqdhaqaaqooda.
Ninka 20sano waxka badan duminta somaliland ku howlanaa ee aan maalina af iyo adintoona wax ugu qaban ee waliba intaa somaliland burburinteeda laga horjoogay ee maanta i leh somaliland mala wada leeyahay anigu mafahmin.
Qore: maxamed cismaan xasan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!