Ex. Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Sheegay In Somaliya Laga Badbaadiyay Dagaal

0
Sunday May 30, 2021 - 08:59:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Sheegay In Somaliya Laga Badbaadiyay Dagaal

    " Waxaan u mahad celinayaan cid kasta oo ka hortagtay in dalka uu galo dagaal sokeeye"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Waxaan u mahad celinayaan cid kasta oo ka hortagtay in dalka uu galo dagaal sokeeye"

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu gaaray Magaalada Muqdisho si dalka uu u aado doorasho loo dhan yahay.



Sheekh Shariif oo hadal ka jeediyay Munaasabad lagu sagootinayay Madaxda dowlad goboleedyada ayuu uga mahad celiyay doorkii ay ka qaateen in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.


" Waxaan u mahad celinayaan cid kasta oo ka hortagtay in dalka uu galo dagaal sokeeye, sida Ciidamada Qalabka sida, Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaan soo marnay marxalad culeyskeeda leh laakin aan u mahad celinayaan dadkii ka hortegay ayuu yiri” Sheekh Shariif.


Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilli dhawaan Madaxda Madasha wadatashiga Qaran ay heshiis ka gaareen arrimaha doorashooyinka, isla markaana dhawaan la filayo inay dalka ka bilaawdaan Doorashooyin.

Loading...
Loading...