Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Madaxda Maamul Goboleedyada Iyo Wakiilada Caalamka

0
Saturday May 29, 2021 - 18:21:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Madaxda Maamul Goboleedyada Iyo Wakiilada Caalamka

    Maxay ka wada hadleen Ra'iisul Wasaare Rooble, madaxda maamul-goboleedyada iyo wakiillada caalamka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay ka wada hadleen Ra'iisul Wasaare Rooble, madaxda maamul-goboleedyada iyo wakiillada caalamka?
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxda maamul-goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya.



Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka siiyey wakiillada beesha caalamka heshiiskii laga gaaray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabsoomidda doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay beesha caalamka taageerada iyo is garab taaggooda,isagoo ka dalbaday in kaalintooda ay ka qaataan qabsoomidda doorashooyinka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.


Sidoo kale, wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo ballan qaaday sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.


BBC

Loading...
Loading...