Wasiir Lunsaday Malaayiin Dollar Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
Saturday May 29, 2021 - 18:19:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Lunsaday Malaayiin Dollar Oo Xabsiga Loo Taxaabay

    "...kaddib markii lacag dhan $1.6m oo deeq ahayd loo adeegsaday si khaldan."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"...kaddib markii lacag dhan $1.6m oo deeq ahayd loo adeegsaday si khaldan."

Wasiirkii hore ee horumarinta bulshada, Emerine Kabanshi, aya lagu xukumay labo sano oo xabsi ah.

 

Maxkamad ku taalla caasimadda dalkaas ee Lusaka, ayaa dembi ku heshay kaddib markii wasaaraddeeda ay lunsatay lacag dhan $4.3m (£3m) oo loogu talo galay qoysas sabool ah.

 

Sanadkii 2018, Madaxweyne Edgar Lungu ayaa shaqada ka tiray Ms Kabanshi isagoo sidoo kalena cayriyay 80 qof oo ka shaqeynayay wasaaradda waxbarashada guud kaddib markii lacag dhan $1.6m oo deeq ahayd loo adeegsaday si khaldan.

 

Fadeexaddaas ayaa sababtay in dowladaha UK, Finland, Ireland iyo Sweden ay joojiyeen deeqihii ay siin jireen dalkaas ku yaalla koofurta Afrika.

 

Ms Kabanshi ayaa sidoo kale loo heystaa inay u hoggaansami weysay sharciga.

 

Waxaa la filayaa inay racfaan ka qaadato xukunka.

 

 


Loading...
Loading...