Muj Axmed Mirre Oo Fashiliyey Taariikh SNM Leedahay Oo Muuse Biixi Been Ka Sheegay

0
Saturday May 29, 2021 - 11:15:26 in News by
  • Visits: 3202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muj Axmed Mirre Oo Fashiliyey Taariikh SNM Leedahay Oo Muuse Biixi Been Ka Sheegay

    Muj Axmed Mirre Oo Fashiliyey Taariikh SNM Leedahay Oo Muuse Biixi Been Ka Sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muj Axmed Mirre Oo Fashiliyey Taariikh SNM Leedahay Oo Muuse Biixi Been Ka Sheegay


Hargeysa(HWN):-Mujaahid Axmed Mirre Maxamed ayaa sixitaan ku sameeyey qayb ka mid ah taariikhda SNM ee uu dhalan rogay Muuse Biixi.

Kulanka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Mujaahid Axmed Mire & Sawirka Mustaqbalka siyaasadeed Ee Somaliland - Geeska Afrika Newspaper


Mujaahid Axmed Mirre ooka hadlayey magaalada Burco ayaa sheegay in Muuse Biixi uu si khaldan uga hadlay taariikhda gudagalkii SNM ee magaalada Burco, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Halkan Burco dhexdeeda waxa uu madaxweynuhu laba jeer ka sheegay in Axmed Mirre iyo Maxamed Kaahin ooxilka u kala sareeyaa ay Burco soo galeen oo labadaba madaxa la dalooliyey, anigana ninka xilka iigu xigay ee ila waday waxa uu ahaa alle haw naxariistee mujaahid Aadan Saleebaan Cali(Ma Gubte), markaa nin inaga hooseeya inaynu duudsino maaha, markii ugu horaysay ee aan xafiiska Jigjiga furayeyna isaga ayaa ku xigeenkayga ahaa oo aan kaga tagay markii aan anigu u baxayey tababarada aan dadka siinayey.”


Mujaahid Axmed Mirre waxa kale oo uu ka hadlay sababta Muuse Biixi u siinayo Maxamed Kaahin taariikh aanu lahayn "Muuse Biixi isaga oo la taagan Maxamed Kaahin ayuu arinkaas aan meesha qaban ku sheegay, Maxamed Kaahina meel lama gaadhsiinayn waana ninka maanta ka nool afartii sarkaal ee ugu horeeyey ee talaabay, sharafta ka maqani maxay tahay waaba aabihii saraakiisha halgankee, waxa uu ahaa ragii naftooda huray ee ilaa Miraya galay hadii halgan laga sheekaynayo, waxa uu ahaa taliyihii saldhiga ee ugu horeeyey ee laga soo abaabulay shareero ee ciidankii Mandheera galay laga soo diray, waxa kale oo uu ahaa hogaanka sahanka waar sharafta ka maqani maxay tahay, markaa Muuse sharaf umuu siyaadine waxaan qabaa sharaftiisii inuu hoos u dhigay.”


Mar kale ayuu mujaahid Axmed Mirre soo jeediyey in mar kasta run laga sheego taariikhda "waxaanan leeyahay waar nimanyow waxan taariikhda ah run halaga sheego waayo cida aynu dulmiyeynaa waa kii horteena ku geeriyooday ama waa kan naafada ah ee maanta sariirta saaran ama waa ka la dayacay ee aan meelna xil ka qaban, arinkaasna reer Burco oo jooga in lagu cel celiyo waxaan garan waayey inay ka hadli waayeen iyo inaan meesha cidiba joogin.”


Loading...
Loading...