Gudo-galkii SNM ee Burco Iyo Saskii Siyaad Barre
Gudo-galkii
Burco ee SNM maanta waxa laga joogaa 33 sanno, waxaanay ahayd 27/5/1988.
Dagaalyanno ka tirsan jabhadii SNM oo uu hogaaminaayo Muj. Axmed Mire Maxamed
oo wata 30 baabuur oo isugu jira kuwa ciidan iyo kuwa shicib ayaa ka soo
dhaqaaqay tuulada Samatar Axmed. Qorshuhu wuxuu ahaa in ay Burco qabsadaan oo
shidaalka baabuurta ugu jiraa wuxuu gaadhsiinayey Burco oo keliya. Waxaanu isku
qancinay in taakuleynta iyo shidaalkuba uu yaallo Burco, sidoo kale hubkii iyo
gobonimadii waxa ay taal Burco ee halkaasi ma ku dhimanaa ayuu ku yidhi
ciidankiisii Axmed Mire, iyanna waxa ay yidhaaheen haa, sidaasi ayey ku soo
dhaqaaqeen ciidankii Burco galayey. Salaaddii subax ayey Axmed Mire iyo ciidankiisi
ku tukadeen goobta la yidhaa Barta, markiiba waxa ay dagaal ku bilaabeen
taliskii ciidankii gaaska 3-aad ee fadhigiisu ahaa Burco, sidaasina ayuu
dagaalku ku bilaabmay.
Saskii Siyaad Barre
25-guuradii aasaaskii ururkii midowga Afrika oo ku beegnayd 25/5/1988 oo ka dhacaysay Adiis Ababa ayaa Siyaad Barre lagu martiqaaday oo ku sugnaa. 27/5/1988 Siyaad Baree iyo Mingistu oo ku wada sugan magaallo dalxiiska Itoobiya ee Soodari oo si wadajir ah ugu xafladeynaya heshiiskii dhinacooda taariikhiga ka ahaa ee ay ku kala saxeexdeen dalka Jabuuti, ee nuxurkiisu ahaa in Mingistu uu SNM hubka ka dhigo, halka Siyaad Barrena uu hubka ka dhigo jabhadihii ku kacsanaa Itoobiya ee uu taageeri jiray, ayuu tilifoon ku soo dhacay Siyaad Barre, kaasi oo sheegaya in Burco ay u gacangashay SNM. yaab iyo af kala qaad ayey ku noqotay Siyaad Barre, ka dib Migistu oo dhinaciisa fadhiya ayuu ku jeestay oo uu ku yidhi” waad I khiyaamaysay.” Mingistu ayaa la hadlay saraakiishii ammaanka, iyana way u xaqiiyeen qabsashada Burco ee SNM. ka dib Ministu wuxuu wacad ku maray in aanu arrintaasi waxba ka ogeyn ee uu hadda uun maqlay. Siyaad Barre iyo Jannanadiisi waa la soo marin waayey in aanay Itoobiya waxba ka ogeyn ciidanka SNM ee Burco galay ee qabsaday. Halkaasi ayey ku kala boodeen labadii keligood-taliye
Wasiirkii Amniga Itoobiya oo Jigjiga arrintaasi U Yimid
Markii
uu wasiirkii amniga ee Mingistu uu yimid Jigjiga, markaasuu taageerayaashii SNM
ku yidhi meeyeen madaxiinii? Way maqan yihiin ayaa lagu yidhi. Haddana wuxuu
yidhi meeyeen ciidamadiinii? Way baxeen ayaa lagu yidhi. Ayaa idinku yidhi
baxa? Cidna ayaa lagu yidhi. Warbixin dhammaystiran ayuu ku celiyey Mingistu in
aanu hal askari oo SNM ahi aanu ku sugnayn xuduuda Itoobiya oo dhammaantood ay
gudaha u galeen gobolladii Waqooyi ee wakhtigaasi, maanta ah Soomaalilaan.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Soomaalilaan.
Tixraac: Axmed Siillaanyo (2018)……. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!