Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyay In Uu Qabyaalad Ku Ololaynayo "Tolaay Yaa Sacad Muusaay"
Hargeysa, -(HWN)- Guddoomiye Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xilligii qabyaalada ay dadka reer Somaliland ka gud-been, isagoo sheegay in Muuse Biixi uu ku ololeynayo qab-yaalad,isla markaana uu leeyahay tollaay yaa Sacad Muuse aa iyo tollaay ayaa Subeer Awalaay
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabey oo kumanaan taageerayaasha Xisbiga UCID ah kale hadlayey fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa ayaa ugu horeyn ka jawaabay haddal dhawaan ka soo yeedhay Muuse Biixi, kaas oo uu ahaa mid uu ku sheegay in Faysal uu ku tilmaamay Madaxweyne Biixi inuu yahay Badow, haseyeeshee Faysal ayaa sheegay in aanu arrintaas odhan,isla markaana aan la soo helayn meel uu Madaxweynaha kaga sheegay Badow.
Faysal Cali Waraanbe oo ka jawaab celinaya haddalkii Muuse ayaa sheegay sidan:-”Madaxweynaha ayaa maalin dhaweyd hadlay oo yidhi ,Faysal Cali Waraabe ayaa igu sheegay Badow kumaan sheegin walaahi ayey iga tahay ,waxa weeye marka uu soo jeedo ayuu iga caban jirayey haddii aan hurdadiina ugu tegay illaahay caafimaad ha siiyo,.”
Dhanka kalena Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyey Muuse Biixi inuu Magaalooyinka Gabiley iyo Berbera kaga ololeynayo qabyaalad,taas oo u sheegay in la dhaafay oo wakhtigeedii dhammaaday,waxaanu sidaas ka sheegay mar uu shalay fagaaraha khayriyadda Boorama uu kale hadlayey taageerayaasha Xisbiga UCID .
Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in Muuse uu Gabiley markii uu tegay uu yidhi tollaay yaa Sacad Muusa aay, halka Berbera markii uu tegayna uu yidhi tollaay yaa Subeer Awal aay,waxaanu u dhignaa haddalkiisu sidan :-"Wakhtigii qabyaaladu wey dhammaatay,walaalayaal waanu ognahay inuu Madaxweynuhu halkan yimi oo uu yidhi tollaay yaa Sacad Muuse aay, xalayna waxa uu u howday Berbera Tollaay yaa Subeer Awalaa ayuu yidhi,waxa lagu yidhi waa laga baxay ,Berina waxa uu tegayaa "Maanta "Burco waxa uu leeyahay yaa Mujaahidiinee,waxa Mujaahid ah Axmed Mirre ayaa Burco soo galay isagu muu soo gelin, "ayuu yidhi Guddoomiye Faysal