Doorka ugu muhiimsan ay nooleeyihiin dhirta iyo ileyska qoraxda.
Dhirtu waxa ay soo saaraan Oxygen-ta aan hawada ka qaadanno waxa ayna qaataan Carbon dioxide-da aan annaga soo saarno,
Sidokale dhirtu quudkoodu iyaga ayaa sameysta halka annaga iyo xayawaanadka kale aan kahelno ilo kale.
Hadaba dhirta si ay usoo saarto Oxygen-ta aan neef ahaanta uqaadaneyno, una sameysato quudkeeda si ay ukorto waxa ay ubaahantahay in ay hesho saddex waxyaabood oo kala ah: biyo, Carbon dioxide iyo light energy, biyaha waxa ay uga imaanayaan waraabinta dhirta la waraabinayo iyo roobka, Carbon dioxide kana waxa ay uga imaanayaan xayawaanaadka sida annaga, light energy-gana waxa uu uga imaanayaa qoraxda, seddaxdaas marki ay hesho waxa ay sameyneysaa hab loo yaqaano Photosynthesis- waa habka ay dhirtu uga sameysato Oxygen iyo Glucose, Carbon dioxide iyo biyo uga imaada banaanka iyadoo isticmaaleyso Tamar ileys (Light energy into chemical energy).
Carbon dioxide-ka iyo Biyihii (CO2 iyo H2O)
Waxa ay soo kala galayaan caleenta dhirta iyo jiridda waxa ayna isugu imanayaan unugyada kujira dhirta gudaheeda(Choroplasts) halkaas ay kadhacayso falgalada kiimikeed, Molecules-ka biyaha(H2O) waxa ay luminayaan electrons si ay usameeyaan Oxygen(H2O into O2) sidas ayey dhirtu noogu sameysaa Oxygen-ta, dhanka kale Molekiyuulada Carbon dioxide-kana(CO2) waxa ay qaadanayaan elektaroono si ay usameeyaan Glucose (CO2 into C6H1206), dhirtana sidas ayey kusameysataa quudkeeda ama Glucose-ta,
Shaqo kasta oo dhacda energy inuu jiro ayey kudhacdaa shaqadaasna waxaa ay kudhacday unugyada dhirta oo tamar kahelay iftiinka qoraxda.
H20=Biyo
C6H1206=Glucose/nafaqada ay dhirtu ku korto.
Wadku mahadsantahay waqtigaa galisay aqrinta qoraalkaan.
✍ Iqra Ipra Mohamed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!