Akhris Iyo Aragti Buug
Dad Badan Waxa Ay Is Weydiiyaan, Ama Aad U Mashquulisa Maskaxdooda Sidee Ayaad Akhriska Uga Dhigan Kartaa Dabeecad Iyo Dhaqan Nolol-Maalmeedkaaga La Socda. Haddaba Qodobadan Kooban Waxay Ka Caawin Doonaan Qofka Jecel Akhriska Balse Aanay U Suuragelin Inuu Dhaqan-Geliyo, In Uu Si Fudud Oo Dedaal Leh Akhriska Ula Qabsado, Nolol-Maalmeedkiisa Na Ugu Darsado.
Akhriste:
1. Is Weydii Marka Kowaad Ba Buugaagta Nooca Aad Xiisayso Ama Aad Ku Raaxaysan Karto Akhriskooda, Macnaha Naftaada Weydii Ma Buugaagta Sheekooyinka Ayay Ka Heshaa, Ma Kuwa Bulshada Iyo Nolosha Ka Hadlaya, Ma Buugta Taariikhda Iyo Ka Hadlaya Dunidii Tagtay, Mise Kuwa Dawladnimada Iyo Siyaasadda Ka Hadlaya, Iwm.
2. Markaad Ogaato Nooca Buugaagta Aad Akhriskooda Jeceshahay, Si Guud U Tax Oo Buug Yare Ku Qor Buugaagtaas Magacyadooda Adiga Oo Cinwaan Uga Dhigaya Qaybta Uu Cilmiga Ka Galo (Categorizing) Qoraaga Iyo Boggaga Uu Ka Kooban Yahay, Si Ay Kaaga Caawiso Jadwalka Aad U Dejin Doonto.
3. Sida Aan Wada Og Nahay, Bil Kasta Waxa Ay Ka Kooban Tahay Afar Toddobaad, Qiyaas Awoodaada Oo Is Weydii Buugga Ma Waxaad Ku Dhammayn Kartaa Toddobaadle Mise Bishiiba Laba Buug Ayaad Dhamayn Kartaa, Mise Bishii Hal Buug Ayaad Dhammayn Kartaa, Mise Wax Ka Badan Bil Ayaad U Baahan Tahay.
4. Markaad Ogaato Awoodaada, Soo Qaado Buug Yare'haagi Kaas Oo Aad Khaas Ama Gooni Uga Dhigto Buugaagta Aad Akhrinayso, Tani Waxay Kaa Caawinaysaa Mar Walba Oo Aad Buug Bilaabayso In Aad Qorto, Buugga Magaciisa, Tariikhda Aad Billowday, Maalintay Ahayd, Iwm, Ka Dib Na Si Sahlan Waxaad U Ogaan Kartaa Sannad Walba Inta Buug Ee Aad Akhriday.
5. Wey Fiican Tahay In Aad Qiimeyso Oo Aad Is Weydiiso, Deegaanka Aad Jeceshahay In Aad Wax Ku Akhrido Iyo Waqtiyada Ugu Mudan Ee Aad Wax Akhrido, In Kasta Oo Ay Tahay In Aad Naftaada Barto Inay Samayso Dhaqan Iyo Dabeecad Aanay Marna Xaaladuhu Ku Noqon Caqabad.
6. Buugga Marka Aad Billowdo, Maalin Kasta Isku Day In Aad Dhowr Bog Ka Akhrido. Ha Samaysan Saacad U Khaas Ah Akhriska, Balse Samee In Buugaasi Uu Yaalo Meelaha Ishaadu Qabato Ee Kaa Ag Dhow, Si Aad Marka Aad Fursad Hesho Ba Laba-Saddex Bog U Akhrido.
7. Mar Kasta Oo Buugga Aad Akhriyeyso, Ha Illaawin In Aad Isticmaasho Qalin Pencil, Ama Highlighter Ama Qodobayn (Note) Kuu Sheegi Karta Macluumaadka Guud Ee Cashar Kasta, Qayb Kasta Ama Bog Kasta Oo Uu Buuggu Gudbinaayo.
8. Marka Aad Buugga Dhammayso, Markaaba Ha Bilaabin Buug Kale. Isku Day In Aad Soo Qaadato Qalin Iyo Buug, Ama Laptop Kaaga, Qor Qoraal Kooban (2 Ama 3 Bog) Oo Sheegaya Buugga Waxa Aad Ka Fahamtay, Adoo Raacaya Habka Ugu Fudud Ee Qoraalka Loo Sameeyo Oo Ah Inaad Samayso Hordhac Kooban Oo Buugga Ka Hadlaya, Buugga Iyo Waxa Uu Ka Hadlaayo, Iyo Qoraalkaaga Oo Aad Gebagebayso.
9. Markaad Dhammayso Qoraalkaas Kooban, Wey Fiican Tahay In Aad Baahiso Oo Aad La Wadaagto Dadka Kugu Xeeran Si Ay Macluumaad Kooban Uga Helaan Buugga Aad Hadba Akhriday Si Iyaguna U Akhriyaan.
FG: Haddii Aadan Keligaa Akhrisan Karin Buugaagta, Balse Aad Jeceshahay Akhriska, Waad Samaysan Kartaa Koox (Team) Aad Wada Samaysaan Akhris Wadareed, Ka Dibna Buugga Aad Qaybsataan, Idinka Oo Qof Walba U Sheegaya Inuu Qaybtiisa Qoraal Kooban Ka Diyaariyo Oo Uu Asaxaabta La Wadaago.
Akhrisku Waa Furaha Aqoonta Iyo Cilmiga Kaasoo Wax Badan Oo Qofka Ka Qarsoon U Fura, Kana Dhiga Qof Si Dhow Ula Socon Kara Dunidan Iyo Marxaladaha Ay Soo Martay!
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!