Khilaaf ka Dhex Taagan Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ee Ku Sugan Muqdisho

0
Tuesday May 25, 2021 - 14:37:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf ka Dhex Taagan Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ee Ku Sugan Muqdisho

    "Warqaddan la wareejinaayo waxba kama jiraan. Waa been aan sal iyo raad toona lahayn."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warqaddan la wareejinaayo waxba kama jiraan. Waa been aan sal iyo raad toona lahayn."

Khilaafka u dhexeeya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi (Somaliland) ee ku sugan Muqdisho ayaa u muuqda mid aan weli xal laga gaarin.




Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta shaaciyay in "kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka uu la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi".


Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku doodaya in uu yahay mas'uulka ugu sarreeya ee siyaasiyiinta Somaliland ku metala dowladda Federaalka, waxaana uu doonayaa in uu wax ku yeesho go'aannada khuseeya qaabka loo maamulayo kuraasta gobollada waqooyi.


Isla maanta waxaa soo baxay warqad uu soo saaray "golaha siyaasiyiinta Somaliland" oo u janjeera dhanka gudoomiye Cabdi Xaashi, taasoo looga hadlay wadaxaajood dhexmaray labada dhinac ee ay u kala qeybsan yihiin siyaasiyiinta waqooyiga.


Warqadda ayaa lagu sheegay in saddex qodob ay dhincyada ku heshiiyeen, kuwaas oo kala ah:

  • In ay u madax-bannaanaadaan arrimaha doorashada
  • In ay si wadajir ah u dhistaan guddi qaabilsan jiheynta maamulka doorashada
  • In doorashadooda ay ka dhacdo xerada Afisyooni, ayna ammaanka sugaan booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, isla markaana ay goob-joog ka noqdaan daneeyayaasha doorashada 2021.


Waxaa kale oo lagu sheegay warqadda in dhinacyada ay ku heshiin waayeen qeybsiga xubnaha guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer gobol.


Durbadiiba waxaa saxnimada warqaddaas beeniyay ra'iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed. Waxa uu bartiisa Facebook ku qoray.


"Warqaddan la wareejinaayo waxba kama jiraan. Waa been aan sal iyo raad toona lahayn."

Xildhibaannada labada gole ee ku aragtida ah ra'iisal wasaare xigeenka ayaa beeniyay in uu jiro wax heshiis ah oo la gaaray, balse ay kulmeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.


DR Cilmi Maxamuud Nuur, oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ee ka soo jeeda gobollada waqooyi ayaa BBC-da u sheegay in kulankii u dambeeyay ee labada hogaamiye dhexmaray uu dhacay maalintii shalay ahayd.


"Kulankii shalay waxaan fileynay in afar kamid ah shanta qodob ee la isku hayay is-afgarad laga gaaray, hal qodob oo ah qaabka guddiga doorashada loo soo dhisayana uu ahaa mid qabyo ah, oo wax la xallin kara ah," ayuu yiri xildhibaanka.


Arrinta kuraasta xildhibaannada waqooyi ayaa kamid ahayd qodobada ugu adkaa ee la isku mari waayay shirarkii looga arrinsanayay doorashada Soomaaliya, waxaana la filayay in dhinacyada isku haya ay heshiis ka gaaraan ka hor inta aan la soo gebagabeyn kulanka hadda ra'iisal wasaare Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada uga socda Afisyooni.


BBC

Loading...
Loading...