Dadkii Fartooda Dhexda Ka Qaniinayaw Doorashadan Haddaa Muse rumaystaan Halkaa Iska Qaniinaysaan Sheegga.

0
Tuesday May 25, 2021 - 11:08:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dadkii Fartooda Dhexda Ka Qaniinayaw Doorashadan Haddaa Muse rumaystaan Halkaa Iska Qaniinaysaan Sheegga.

    M. Baashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

M. Baashe
MADAXWEYNE GOOR WALBA WAX GOCANAYAA SOMALILAND HORUUMARIN UMA JEEDO.

Madaxweyne Muse BIIXI waa nin ay ujeedadiisu, ficilkiisa, siyaasaddiisu ku cadday 12 kii bilood ee u dambeeyey khudbadihiisii oo wada duuban. Qof kasta oo kulmiye taageersan waxaa U CAD, AMA Muse BIIXI Reernimo ku Raacsan ha dhegaysto 12 kii bilood ee u dambaysay khudbadihiisii iyo ficiladiisii waxa soo baxaysa in Somaliland ay qaadayso oo hayso CADAWGA KOOBAAD EE SOMAALIDA MEEL AY JOOBTABA OO ISMACIIL CUMAR GEELE AH OO SOMALIA IYO SOMALILAND IYO SOMAALIDA KILALKA IYO SOMAALIDA KEENIYA LA COL AH. MUSE WUXUU ISU DHIIBAY ISMACIIL OO IMIKA AH CADCEED CASAR JOOGTA, SI DHAQSO AH BUU U DHACAYAA OO WAXAA RIDIYA ETHIOPIA IYO ERITREA MAXAA Wacay sidaa wuxuu ku xidhanyey oo ku xidhnaa TPLF kii burburtay laakiin weli Xoolihii TPLF iyo Xoolihii Somaliland iyo Kuwa Somalia waxay yaaliin Djibouti, sababta Muse ISMACIIL ugu xidhanyey waa arikaa Adduunkii baa yaal laakiin waqtigii Wuu dhammaaday ISMACIIL na maanta wuu ku fashilanyey Geeska Afrika, isdaadraaci buu leeyahay laakiin wuxuu la sugaynaa inta Berbera Corridor iyo Eritrea Ports shaqada bilaavayaan.



Muse BIIXI waxaa ugu wacan in khudbaddii UU isla soo taagaba gocasho iyo Taariikh xun jadiidin waa qiiq isku qaris. Kol Daarood buu eryayaa iyo reer bari. Kol baarlamaanka reer Somaliland ee Xamar buu ku DHEX jiraa oo u reer hebelaynayaa been been ah Kol lixdankii iyo Jama Mohamed Qaalib ayuu HARGEYSA ka dhex Caayayaa, kol Xabaaluhuu ka dul caytamayaa waa rajo laaan MUSE BIIXI oo jiha wareerin buu reer Somaliland soo dhex dhigayaa waxaasi waxay caddaynayaan in ujeedadii ISMACIIL CUMAR GEELE iyo TPLF raadkoodii oo dhammaadabuu ku joogtaa.


Kulmiye hii Fartooda soo qaniinayaw suaashu ( the question of the moment) waxaa weeye DOORASHOOYINKAN ISKU SIDKAN IYO TA SOO SOCOTA EE MADAXWEYNAHA HALKAA ISKA QANIINI DOONTAA, BAL IDINKU HADDAA MAR LABAAD MUSE BIIXI RUMAYSATAAN SHEEGGA HALKAA JIDHKIINA KA QANIINI DOONTAA.

M BASHE

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...