Hiddasan: Maanso Muuq Jacayl Iyo Macne Gobannimo Kulmisay
Faalleeyay: Cilmi Samatar (Q. 1aad).
Khayaalka iyo suuraysigu waa u lama-huraan suugaanta. Sidii caws
jiilaal baana loogu baahdaa marka ay tixda timaaddo. Sawir-maskaxeed
maankiisa ka dhisan, baa uu hal-abuurku u holladaa in u dibadda u soo
saaro. Sidii wastaadka, ayaa uu ereyo is-le’eg iyo habdhac ku jaango’an
isku dhaabaa; hummaagyo surunsuur ahna kasoo saaraa. Marka ay quruxdu
ereyada gasho, ee afshaxan hibaawi ahi shubaaliyo, ereyba erayga uu
xigsadana daba dhigo; waxa abtirsada farshaxanka afka. Dareenka
akhristaha iyo duunka dhagaystaha ayaana ay dafaan, la falgalaan oo
geysataan meel aan hore loo sahaminnin. Hirar mala-awaal, oo badweyn
dhexdeed haraaciyaya, berrina aan looga gudbaynin baa ay ruuxda Ku
dabbaalsiiyaan. Sidii wax la qataaray ayaa dhegta loogu raariciyaa,
dhugaalkana loogu hibeeyaa – qofkuba isaga oo aan is-ogayn baa ay
dawaali ula wareegaan.
Taasi waxa ay ka mid tahay ashqaraarrada suugaanyahanka tix iyo
tiraabba ku dhacsiin kara ee aanad ereygiisa waxba iska weydiin karin –
sax iyo qalad! Maansayahanka injineerka ereyga ah ee aan dhismaha
hawraartiisu daahin, dhegeystahana aan caqligiisa waraysan ee
dareenkiisa ruxa. Shanta dooc ka ka tafiya ee halkii uu duunka ka
xaradhaamin lahaa, dareenka xigtaysta. Qof kasta oo dhegnuugsada
weedhiisuna uu u hoggaansamo waxa uu farayo – yeel waxaa, kaasna ha
yeelin. Gabyaaga marka uu damco, qayrooyin iyo qoomam dhan isku jebiya,
marka uu doonana dacar iyo ladh soo taxnaa, loona taagwaayay iyo digo
hulaaqaysaba dabuubtiisa ku demiya. Geeraarshaha qubka leh, ee marka
laga keensado ciddii uu u duceeyaa ku rayso, tii uu awaadh iyo guhaan ku
tufaana la raayixdo ee ay la raxanraaddo. Qalanbaawiga marka uu doono
codka looshan, ee afkiisa ku hadla, erey uu unuggiisa leeyahayna ummadda
codkiisa toolmoon ugu soo tebiya.
Waa sida ay tahay, oo shay kasta oo la sameeyo ama la yidhaahdaa;
labadaas hilin ee isliddiyaya ayaa uu qaadaa, ama cidda majaraha u
haysaa midkood u doorta oo ku socodsiisa. Waana halkii ninkii timirta
iyo sonkorta isbarbardhigay uu ka yidhiye, "waxna waa nahda hore waxna
waa raandhiiska dambe,” taas marka lagu socdo, haddaba iyada oo dareenku
ku xidhan yahay hummaagdhiska iyo hannaanka loo farshaxameeyo, haddana
raandhiisku waxa uu mar kasta u hadhaa ereyga xaqa ah ee aan
laba-eeflaynta iyo isku-dirka wadan.
Waa sidii loo yidhi, "oo ereyna la kala odhan og, Eebbana la kala
baryo oge,” waxa halkaa aynu nidhi hormuud iyo tusaalaba innoogu ah:
Axmed Awgeeddi Maxamuud oo isagu ka gudbay xeelliga iyo dulsocodka una
gudbay bu’da iyo moolka. Isaga oo rumaynaya shahaadada uu ka haysto
Hadraawi oo aynu heeraabta uu joogo qirsan nahay. Garo oo waxa aan u
jeedaa beydadkii ahaa, "Axmedoow nin dheeraad sitoo dhiibsan baa tahaye,
Tu kalaad u dhaaftaa markaad dhaliso tii roone,” Dhulgariir, Hadraawi.
Waa run oo waa nin dheeraad sita, oo marka uu dhaliyo ta roon, guusha
ummadeed iyo kaalinta laga filayo; aan halkaas ku istaagine, haddana hir
labaad dayda.
Mar labaad waxa uu buuxin karaa tuducii uu Hadraawi qiimaha hooyada ku
sheegayay, ee uu tusaalaha ugu soo qaadanayay ninka libta dadkiisa
gaadhsiiya, haddana hayaanka sii lalaba heelka xiga ee loo guuri doonana
sii hilaadiya, isaga oo garanaya halka uu u socdana ficil ku beegsada.
Waxa aan u jeedaa, tuducii ahaa:
"marka aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhaba
Ku labaad hilaadshoo
Haga maatidiisoo
La higsado dhashaabaa
Hooyo lagu xasuustaa”
Hadda curinta maansayahanka iyo ciraabtiisu muhiim innooma aha’e, aynu
nidhaahno, "Axmed waxa sameeyay oo saameeyay duruufihii uu nolosha kula
kulmay, ee uu haddana kula soo kacaamay.” Gobannimo dhalatay iyo
gumayste tagay, gobollo isku biiray iyo guulguul bilowday,
sooyaal-dawladeed rayid ah oo guntamay iyo siiyaal la oddorosayo, hawo
dimuraadiyadeed oo la hadhgalay iyo hadimo jiitaa oo raacday!
Halalaasahaas uu la dhashay, waxa uga danbeeyay gulufyadii jabhadeed ee
uu ku dhex barbaaray; hir labaad oo uu garaadkiisu guuray baa ah, in
gobannimadii midowga lagu rabay galbatay, mid gobol gobol loo
yagleelayana lagu dedaalay. Gobannimada lafteedii oo ummaddii
raadinaysay roodhi-kow la ciyaaraysa, oo sidii bil saddexaad
reerkoodiina kasoo rartay reer cusubna aan geynin. Maya’e aynu si kale u
tusaalayno’e, in gobonnimadii ugubka ahayd, ee sida gashaantida baarka
fidhanaysay, geyaankeedana cuganaysay ay heleen oo haleeleen, dar aan
geyini oo inta ay farafareeyeen kaga tageen meel aan u qalmin, oo aanay
rabin!
Gashaantidii oo guurxumaysatay iyo gacalkeedii oo noloshu wajigabax ku
soortay! Wax ay noloshaa silica ah ku jirtaba waxa ay xaqiiqsatay in,
"silic-ku-nool soddon-guursato dhaanto,” guhaadshihii guudka kaga
dagayna heeryadiisii baa ay iska tuurtay. Nasiibdarro iyo nasiibwanaag
mid ay tahayba, xorriyaddeedii galbatay baa ay dib u hanatay. Haasaawe
iyo xodxodo danbe, waxa la filayay in ay marto jidkii ay ku jabtay mid
ka duwan oo ay ku liibaanto. Dad badanina, "ayaanlay aqal ma weydo,” iyo
"haddii la furay raxmadi furan" baa ay ku niyadsamaayeen. Waa ay iska
niyadsamaayeen uune, kama ay shaqayn oo ma ay qorshaynin qaabkii mar
labaad jidkii halaqa looga badbaadi lahaa
Isku soo geeyoo, Axmed isaga oo shaahid ah oo arkaya gabadhii uu
xoraynayay kana mid ahaa dadkaa xodxodashada labaad ku niyadda samaa
ayaa aayar mar kale gabadhii loo baxay. Meel meeshii hore ka hoosaysa oo
ka halasa badan baa ay xorriyaddii gabadhu mar labaad ku shalwatay.
Axmed iyo intii la aragtida ahayd waxa ay mar kale qaadeen jidkii lagu
heshiisiin lahaa Hiddasan iyo geyaankeeda. Hiddasan markan waa ay ka
aammin baxday ergadan raadinteeda uun ku hawlan marka la helana aan
xannaanadeeda u heellanayn. Waxa ay damacday in ay aarsato oo aanay
miskiin macnasan oo daacadnimada lagu dago aanay noqon. Hir dheer baa ay
kortay oo ay kuwii gurracnaa ku farxeen, intii fayada qabtayna la
foolxumayd. Qoladan danbe dhibaataynteediina kuma ay eegan karaynin oo
waa ay ka gadoodsanaayeen, maqnaanshaheedanna waa ay ka murugaysan
yihiin – labada jeerba waa u baas iyo balanbal oo sina kuma beer
qabooba.
Raalli ahaw haddii aynaan wada socon, aniga ayaa u sabab ah oo afkii
maldahnaa iyo astaantii kugula hadlay oo warka kugu qasbaye. Hiddasanta
aan sheegayaa waa gobannimadii, gabadha la sheegayaana waa iyada. Cidda
loo sarbeebanayo ee aan gayinina waa madaxdii kala danbaysay ee midiba
mar soo maray arliga Soomaaliyeed. Isla socod wanaagsan, waxa aynu sii
guda-galaynaa Hiddasan. Inta aanan galin Axmed aynu ku noqonnee waa nin
reer Soomaalilaan ah siyaasi ahaan, dhalasha ahaanna Soomaali ah.
Intaana inoo hay. Wacyigaa uu ku kacaamay iyo waaqacaa saameeyay ee aynu
sare kusoo marnay, waxa uu kusoo koobayaa maansada uu u bixiyay
Hiddasan, waa halka aan magaca kasoo qaataye.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...