Itoobiya Oo Ganafka Ku Dhufatay Eedo La Xidiidha Adeegsiga Hubka Kimikada Ah Oo Loo Jeediyay

0
Tuesday May 25, 2021 - 08:59:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Ganafka Ku Dhufatay Eedo La Xidiidha Adeegsiga Hubka Kimikada Ah Oo Loo Jeediyay

    "… dadka shacabka ah ee waqooyiga Itoobiya waxa ku dhacay gubasho aad u xun"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"… dadka shacabka ah ee waqooyiga Itoobiya waxa ku dhacay gubasho aad u xun"

Hargaysa (HWN)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee JDFI ayaa xustay warbixintii shalay lagu daabacay wargeyska Telegraph oo uu qoray Mr. Will Brown oo ah wariyaha Afrika ee majaladda u fadhiya Nairobi, kuna saabsanayd eedaymo la xidhiidha u adeegsiga "hubka kiimikada” ee deegaanka Tigray.




Wuxuu yidhi, "… dadka shacabka ah ee waqooyiga Itoobiya waxa ku dhacay gubasho aad u xun oo ka dhalatay adeegsiga maadada fosfooraska cad, oo ah dambi dagaal oo dhici kara.” Arrintan awgeed, Wasaaraddu waxay jeclaan lahayd inay si cad u ganafka ugu dhufato eedeyntan.


Itoobiya kuma shaqo leh mana isticmaali doonto walxahaas mamnuuca ah maxaa yeelay waxay si dhab ah u gudanaysaa waajibaadkeeda caalamiga ah sida ku cad Heshiiska Hubka Kiimikada.


Iyada oo dhibbane u ah weerarada hubka kiimikada lafteeda, Itoobiya sidoo kale waxay si kulul u cambaareyneysaa adeegsiga hubka kiimikada qofkasta oo jooga. ayaa lagu yidhi warkan oo ay daabacday Warbaahinta FANA


Wasaaraddu waxay horey uga sii digtay bulshada caalamka daabacaadda warbixin ceynkan oo kale ah oo mas’uuliyad darro ah, taas oo in ay sii hurisa xiisadda mooyee aanaan ujeeddo aan ujeeddo kale laga lahayn.


Looma arki karo wax ka duwan dadaalka socda ee lagu doonayo in lagu xoojiyo cadaadiska ka dhanka ah dowladda Itoobiya.

Loading...
Loading...