Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho

0
Tuesday May 25, 2021 - 07:24:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho

    Shalay ayaa qorshuhu ahaa in shirka la soo geba-gabeeyo, hayeeshee uu dib u dhacay sababo la xiriira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in shirka la soo geba-gabeeyo, hayeeshee uu dib u dhacay sababo la xiriira




Waxaa Maanta Maalintii Afaraad oo xiriir ah galaya shirkawdatashiga arrimaha doorashooyinka ee ka socda Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

Shirka oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada Soomaaliya, iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September iyo kii Gudiyada farsamo ee Magaalada Baydhabo ayaa waqti badan qaatay.

 

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in shirka la soo geba-gabeeyo, hayeeshee uu dib u dhacay sababo la xiriira qodobka arrinta doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi oo ay isku heystan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar).

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta & Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kulamo gooni gooni ah waxaa ay la qaateen Gudoomiyaha Aqalka sare si xal looga gaaro khilaafka siyaasiyinta Gobolada Waqooi oo isku heysta Gudiyada doorashooyinka ee la Magacaabi doono, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in is-afgarad aan badneyn laga gaaray.

 

Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in la sii amba qaado Shirka wadatashiga doorashooyinka ee Afisiyooni, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay shirka kusoo bandhigi doonaan wixii ay kala soo kulmeen Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.


Loading...
Loading...