Qisada ka danbaysa oraahda caanka ah ee 'Ladies First'

0
Monday May 24, 2021 - 12:28:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisada ka danbaysa oraahda caanka ah ee 'Ladies First'

    Waxa kale oo jirta sheeko kale oo tan u dhow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa kale oo jirta sheeko kale oo tan u dhow

Waxa la sheegaa dhawr qiso ama sheeko oo kala duwan in ay sabab u yihiin in ay ragga reer galbeedku had iyo jeer isticmaalaan odhaahda caanka ah ee 'Ladies First' sheekooyinkaas waxa ka mid ah labadan:

Waxa la yiri waqti hore ayaa waxa is jeclaa wiil iyo gabar kadib waxa ay go'aansadeen in ay is guursadaan balse nasiib darro waalidkoodii may ogolaan in guurkaasi dhaco. Lammaanihii waxa ay go'aansadeen in ay nafahooda biimeeyaan oo kaga takhalusaan maadaama uu guurkoodu suuro gal noqon waayay. Buur aad u dheer ayay isku soo raaceen wiilkii iyo gabadhii waxa aanay go'aansadeen in ay iska tuuraan. Wiilkii qalbigiisu wuu siin waayay in uu indhaha ka qaado gabadhii uu jeclaa oo dhimanaysa sidaas darteed isaga ayaa is hor tuuray balse gabadhii buurtii iskamay tuurin ee way iska noqotay!


Waxa kale oo jirta sheeko kale oo tan u dhow
Beri waxaa jiray wiil taajir ah iyo gabar faqiirad ah oo si aad ah isu jeclaa. Wiilkii waxa uu go'aansaday in uu guursado gabadhii balse wiilka reerkodii ayaa ku yiri ma guursan kartid gabadhan faqiirada ah. Lammaanihii waxa ay go'aansadeen in ay is dilaan waxaanay koreen buur dusheed. Wiilkii ayaa iska tuuray buurtii balse gabadhii iskamay tuurin ee inta ay tiri naftayda ma halaagi karo ayay dib isaga soo noqotay isla markaana guursatay nin kale!

Maalintas kadib ayay raggu bilaabeen in ay isticmaalaan oraahda ah 'Ladies first.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...