Muuse Biixi Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Musharixiinta Kulmiye Iyo Dardaaranka Uu Faray

0
Monday May 24, 2021 - 10:59:15 in News by
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Musharixiinta Kulmiye Iyo Dardaaranka Uu Faray

    Muuse Biixi Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Musharixiinta Kulmiye Iyo Dardaaranka Uu Faray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Musharixiinta Kulmiye Iyo Dardaaranka Uu Faray

Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin xarunta Xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargeysa kula yeeshay Murrashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee ka sharaxan Degmada Hargeysa iyo Gobolka Maroodi jeex ee u sharaxan Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.


Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin isla markaana ay joogeen hoggaanka Kulmiye oo muddo saacaddo ah qaatay, ayaa waxa uu madaxweyne Biixi kala hadlay Murrashaxiintan iyo Hoggaanka Kulmiye sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha doorashada iyo ololaha bilaabmaya.



Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni oo ka hadlay kulankan iyo waxyaabihii lagaga hadlay, ayaa sheegay in madaxweynuhu farriin iyo dardaaran u jeediyey Murrashaxiinta Xisbiga sidii ay uga midho dhalin lahaayeen qorshaha Xisbigu ku doonayo inuu guulo waaweyn ka gaadho doorashada soo socota.


Mr. Buuni oo ka hadlayey ujeeddada uu daaranaa kulankan Albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxa uu yidhi "Madaxweynuhu, waxa uu kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay markii uu xarunta yimid Hoggaanka Kulmiye iyo Murrashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee Golaha Deegaanka Hargeysa iyo kuwa Golaha Wakiillada. Madaxweynuhu inkasta oo uu yahay Madaxweynihii qaranka, haddana guddoomiyeyaasha Xisbiyada ayuu la siman yahay oo waa guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye, markaa in uu farriintiisii Xisbiga iyo dardaraankiisii uu kula dardaaramayey ee la xidhiidhay doorashada mudaysan 31 May, ayuu u jeediyey Murrashaxiinta Kulmiye. Madaxweynuhu, isaga oo gudbinaya farriintii Kulmiye iyo tii guud ee qaranka, ayuu kulan la qaatay Murrashaxiinta, waxaanu madaxweynuhu kula dardaarmay Murrashaxiintaasi in ay ilaaliyaan nabadda, qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, ixtiraamaan tartanka ka dhexeeya Murrashaxiinta kale iyo in ay u guntadaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen guulihii is daba jooga ahaa ee Xisbiga Kulmiye iyo midnimadii Xisbiga Kulmiye ka shaqeeyaan


Loading...
Loading...